Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 28ka July, 2016 Waxaa maanta ka furmay hoolka shirarka huteelka City Crown ee magaalada Jigjiga Kulan waynihii labaad ee sanadkan 2008 TI kaasi oo ay ujeedadiisu tahay in lagu qiimeeyo waxqabadka hay'adaha bahwadaagta la'ah xafiiska Caafimaadka DDSI, waxaana ka soo qaybgalay kulankan 30 hay'adood oo isugu jira INGOs, local NGOs iyo kuwa UN ta.
Kulan kan qiimaynta ah oo ay hogaaminayeen masuuliyiin ka socotay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxaa Furitaankiisii ka hadlay Gadhwadeenka geedi socodka qorshaynta iyo dabagalka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xassan Ismaaciil wuxuuna soo jeediyay; ujeedada, ahmiyada kulankan iyo waliba jahooyinka (priority target areas of the ESTHB) ee hirgalinta qorshaha siyaaada caafimaadka GTP-2 ga (Health sector transformation plan). Masuulka ayaa sheegay in ahmiyada la siiyo adeegyada caafimaadka ee hoos loogu dhigayo dhimashada hooyada iyo dhalaanka, sidii kor loogu qaadi lahaa tirada qabaleeyada ama Tuulooyinka hormuudka ah (Model kebeles) iyo goobaha dib u dajinta si hal beegyada caafimaadka deegaan keena kor loogu qaado.
Kulanka ayaa socon doona muddo laba maalmood ah. Waxaana la filayaa in natiijo wax ku ool ah ka soo bixi doonto taas oo gashi u noqon doonta dadaalada loogu jiro kor u qaadida adeega caafimaadka ee deegaanka.