Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Wakaalada Dakhliga DDSI Oo kulamo Wacyigalin ah ka Wada Maamulada Magaalooyinka Cusub.

$
0
0

Tog-wajaale(cakaaranews) Isniin, 8da August, 2016, Wakaalada dakhliga  DDSI oo ka duulaysa taaba galinta horumar salbalaadhan oo dhinac kasta leh, sii xoojinta iyo  abuurida shaqo natiijo keenta  oo  dhiirigalisa in cashuur bixiyayaashu rabitaankooda xili-cashuureed ku bixiyaan dakhliga ku waajibay iyo in sare loo qaado muga cashuur ururinta deegaanka si bulshada looga faaiideeyo hawlaha horumarka ayaa waxay wakaalada Dakhliga DDSI  kulamo  wacyigalin ka wadaa maamulada magaalooyinka tog-wajaale iyo qabribayax.

Kulamadaasi wacyigalinta ah oo uu hogaaminayay maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdilaahi Maxamed Cabdi ayaa waxaa loo qabtay ganacsatada iyo  qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan maamulada magaalooyinka maadaamo oo ay yihiin maamulo magaalooyinka cusub.

Kulankan  wacyigalinta ah oo maanta ka dhacay maamulka magaalada tog-wajaale horena loogu soo qabtay maamulka magaalada qabribayax ayaa waxaa ka hadlay maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdilaahi Maxamed Cabdi oo sheegay in  kulamadan wacyigalintu yihiin kuwa bulshada iyo ganacsatada ku dhaqan magaalooyinkan fahan buuxa laga siinayo shuruucaha iyo nidaamka cashuuraha. Wuxuuna sharax dheer ka siiyay maareeye ku xigeenku doorka ay ku leeyihiin hirgalinta hawlaha horumarka maadaamo oo ay hawlaha horumarka laf dhabar u tahay bixinta cashuuraha ku waajibka ah muwaadiniinta.

Dhankooda ganacsatada iyo qaybaha kala kuwan ee bulshada ayaa soo dhaweeyay kulankan wacyigalinta ah waxayna sheegeen in ay fahan buuxa ka qaateen shuruucaha kala duwan ee cashuuraha waxayna tilmaameen  in ay kaalinta dhankooda  kaga aadan ka soo baxayaan.  

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>