Qabribayax(cakaaranews) Arbaca, 3da August, 2016 Waxaa maalmahan booqasho ku marayay mashaariicaha waawayn ee laga hirgaliyay degmooyinka gobolka faafan qurba joogta ka soo jeeda DDSI gaar ahaan gobolka Faafan iyo Jarar. qurba joogta oo kala socday qaaradaha aduunta ayaa booqashadooda ka soo bilaabay degmooyinka tuli, gursum iyo qaarka mid ah tuulooyinka degmada koon-furta jigjiga kuwaasi oo soo kormeeray mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay degmooyinkaasi.
Haddaba waftigan oo ay hogaaminayeen wasiirku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdiraxmaan Curaage, maareeyaha wakaalada ilaalinta deegaanka mudane Axamed Xabiib iyo gudoomiyaha gobolka faafan mudane Nuur Xayir Qaamis ayna ku wehelinayeen qaarka mid ah xildhibaanada deegaanka ee laga soo doorto gobolka faafan ayaa saaka intii ayna ka anbabixin caasimada deegaanka waxay booqteen mashruuca dhismayaasha guryaha kaabineeyga ee laga dhisayo caasimada DDSI. ka dib waxay booqteen waftigan qurba joogta ah iyo masuuliyiintan hor- kacayay biyo xidheenka wayn ee laga hirgaliyay tuulada waaji oo ka mid ah degmada koonfurta jigjiga.
Waftigan oo socdaalkooda booqashada ah sii wata ayaa gaadhay maamulka magaalada qabribayax halkaasi oo siwayn ay ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta degmada qabribayax oo uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada mudane Cabdirisaaq Aadan Cabdi iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan maamulka magaalada qarbi bayax.
Sidoo kale meelaha sida wayn looga soo dhaweeyay waftigan waxaa ka mid ahaa tuulada Gila oo ka tirsan degmada qabribayax halkaasi oo ay dadwaynaha ku dhaqan tuuladaasi kaga hor miyaadeen waftigan masaafo aad u dheer iyaga oo lulaya caleema qoyan iyo calamaanta deegaanka iyo dalka. Waftigan ayaa hadhgalay oo casuumad hadhimo sharafeed ah loogu sameeyay isla tuulada Gila. Sidoo kale wafigan ayaa booqday beer aad u wayn oo ay ka soo go’aan noocyada kala duwan ee khudaarta taasi oo ay hirgaliyeen iskaashadada horseed kuna taala tuuladan gila ee degmada qabribayax
Waftigan qurba joogta ah oo la hadlay warbaatinta deegaanka ayaa aad ula dhacay mashaariicahan waawayn ee laga hirgaliyay deegaanka iyo wakhtiga kooban ee ay xukuumada DDSI ku hirgalisay. Waxayne hoosta ka xariiqeen in ay kaalin culus ka qaadanayaan xawaarahan horumarineed ee deegaanku kaga mid noqonayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.