Dhabrasayt ( Cakaaranews ) Jumce 29ka July 2016.Waxaa soo gaba gaboobay tababar ku saabsanaa Hanaanka diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah sida diwaangalinta dhalashada,dhimashada,guurka iyo furitaanka.
Hadaba tababarkan oo magaalada debrasayt ka socday mudo 7 cisho ah ayaa waxaa soo diyaariyay Wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah ee JDFI. waxaana tobabarkan loo hayay 9ka dowlad Deegaan iyo 2da ismaamul ee dalku ka koobanyahay iyagoo deegaankena ooga qayb galeen 51 xubnood Oo shaqaaalaha wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah ee DDSI oo kakala socday dhamaan Degmooyinka iyo gobolada DDSI.waxaana shaqalahan qaadanayay tababarka horkacayay maareeyaha Wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah ee DDSI marwo Aamino Ibraahim oo sheegtay inay Tababarkan ka faa iideen casharo dhaxal gala.
Waxayna maareeyuhu intaa ku dartay in casharada ay qateen ka hirgalin donaan dhamaan deegaanka Somaalida itoobiya iyadoo wakaaladana degaanka laga aasaasay sanadkan islamrkaana wakiilo ku leh Dhamaan degmooyinka iyo gobolada deegaanka,
ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar Kamid ah shaqaalihii tababarka qaadanayay iyagoo sheegay in mudadii ay tababarka qaadanayeen garteen casharo muhiim ah islamarkaana ugasii fa iidayn doonaan bulshada inteeda kale.