Jigjiga (Cakaaranews) Khamiis 9ka February 2017. Iyadoo baryahanba Xafiiska Horumarinta Xoolaha iyo Reer-guuraaga oo kaashanaya xukuumada DDSI uu ku hawlanyahay gargaarka bulshada deegaanka ee roobyaraantu lasoo daristay sanadkan isagoo mararbadan oo kaladuwan gaadhsiyay deeq isugujirta calafka xoolaha iyo raashin ayaa sidookale maantana ay 53 gaadhi oo ah calafka xoolaha loo diray degmooyink Gobolda ay abaarta saamaysay.
Hadaba, deeqdan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixisay Wasiirka xafiiska horumarinta xoolaha iyo Reerguuraaga DDSI marwo Faadumo Cabdulaahi Takhal oo sheegtay in deeqdani ay tahay deeq ka kooban 53 gaadhi oo calafka xoolaha ah islamarkana loogu talagalay in loo qaybiyo dhamaan xoolo-dhaqatada ku dhaqan degmooyinka gobolada ay abaartu saamaysay iyadoo calafkan xoolahana lagu dajindoono islamarkaana lagu qaybin doono ceelasha ay xooluhu ka cabbaan ee ay isugu yimaadaan.
Ugu danbayna Wasiirada ayaa tilmaamtay in deeqdani ay san ahayn tii ugu horaysay islamarkaana aysan noqondoonin tii ugu danbaysay lana sii wada doono dadaalka ay xukuumadu ugu jirto siday bulshada ooga samatabixin lahayd abaarta ay roob yaraantu keentay, Waxayna u mahadcelisay xukuumada DDSI iyo haaydaha dawliga ah ee heer dal iyo heer deegaanba oo marwalba utaagan ka jawaabida baahida bulshada.