Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Shir Lagaga Arrinsanayay Hirgalinta Barnaamijyada Habaynta Shaqada iyo shaqaalaha

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 14ka January 2017. Shir uu soo agaasimay Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI kana soo qaybgaleen dhamaan mas’uulyiinta hay’adaha dawliga ah ee heer-deegaan iyo waliba qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolada deegaanka islamarkaana ujeedadiisu tahay hirgalinta iyo ka midho dhalinta barnaamijyada dib uhabaynta shaqada iyo shaqaalaha sida BPR, BSC, Good Governance pakages iyo JEG iyo waliba sidii loogu dhaadhicin lahaa ilaa heer Tuulo ayaa si habsami leh uga dhacay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaas oo sheegay in shirkani uu yahay shir ay udhanyihii dhamaan masuuliyiintii xafiisyda heer deegaan iyo heer gobol islamarkaana ujeedadiisutahay in natiijo wax ku ool ah laga keeno dhaadhicinta dhamaan xidhmooyinka horumarinta iyo kuwa maamulka suuban. Wuxuuna intaa kudaray in si habsami leh loo hirgaliyo barnaamijyada kala ah Halbeega waxqabadka isu dheelitiran (BSC) iyo barnaamijka dib uhabaynta shaqada (BPR). kuwaas oo loogu talagalay shaqada iyo shaqaalah. wuxuuna kuladardaarmay masuuliyiinta in ka hogaamin ahaan doorkooda kaga aadan ay sifiican uga qaataan.

Sidookale, Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha marwo Maajida Maxamed Maxamuud ayaa sheegtay in xafiisku uu kudadaalayo sidii hay’adaha dawliga ahi ee DDSI u bixin lahayn adeeg tayo leh islamarkaana bulshada deegaanku ku qanacsan tahay, waxaana lagama maarmaan ah in lafuliyo lana dhamaystiro hirgalinta Barnaamijyada habaynta shaqada iyo shaqaalaha. Waxayna intaa kudartay wasiiradu in xafiisyada aan BPR ka  dhaqangalinin ay dhaqangalinin gaar ahaan wakaaladihii iyo xafiisyadii aasaaskoodu kadanbeeyay xafiisyadii hore. Waxayna carabka ku adkaysay marwadu in xidhmooyinka maamulka suuban iyo waliba xidhmooyinka horumarinta ee beeraha, caafimaadka, waxbarashada iyo xoolaha si toosa loogu dhaadhiciyo tuulooyinka deegaanka.

Ugudanbayna, masuuliyiintii kasooqaybgashay shirka ayaa sheegay in arrinta dhaadhcinta xidhmooyinka iyo hirgalinta dhamaan barnaamijyda shaqada iyo shaqaalaha ay tahay arrin muhiim ah iyaguna ay doorkooda kaga aadan kaqaadanayaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>