Jigjiga(Cakaaranews) Isniin, 6da february 2017. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan ganacsatada deegaanka heer kasta oo ay yihiin inuu jiro shir muhiim ah 4ta bisha yekaatiit oo ku aadan maalinta sabtida ah ee inagu soo beegan oo kadhici doona hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan. kaasoo kusaabsan gurmadka xaalada abaaraha saamaysay deegaanka.
Hadaba waxaa la ogaysiinayaa dhamaan ganacsatada deegaanka heer kasta oo ay ahaadaanba inay kasoo qaybgalaan shirkaas lagaga qaybqaadanayo xaalada abaaraha ee loogu gurmanayo inaysan saamayn kuyeelanin dad iyo duunyaba.