Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada JDFI Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 17ka May 2018. Waxaa garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal ee magaalada jigjiga si diiran loogu soo dhaweeyay wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada JDFI mudane maxamed axmeddiin xuseen. Iyadoo halkaasina ay si diiran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin uu horkacayo wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane ibraahim aadan mahad.

Hadaba, soo dhawayn iyo nasasho yar kadib ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Wasiirka Xafiiska Waxabarshada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in maanta ay soodhaweeyeen wasiiru-dawlaha wasaarada waxbarashada JDFI mudane maxamed axmed diin xuseen islamarkaana ay ujeedada socdaalkiisu tahay booqasho uu ku indho indhaynayo geedisocodka baris barasho ee deegaanka. Wuxuuna intaas kudaray in wasiirudawluhu uu booqonayo xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana ay kawada hadli doonaan sii xoojinta taageeraha laga helo heer federal ee lagu xoojinayo geedisocdka waxbarasho ee deegaanka, sidookale wasirka ayaa tilmaamay in wasiiru dawluhu uu booqan doono qaarkamid ah dugsiyada hoose iyo dugsiyada sare ee magaalada jigjiga iyo qaarka mid ah dugsiyo kabaxsan magaalada oo ay kamid yihiin dugsiyada degmada baabili.

Sidookale, Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada JDFI Mudane Maxamed Axmed-diin Xuseen oo isna kahadlay ujeedada socdalkiisa ayaa sheegay in booqashadiisan uu jigjiga kuyimid ay tahay mid uu ku indho indhaynayo geedisocdka waxbarashada maadaama oo ay tahay xili uu sanad dugsiyeedka 2010 T.I uu gabogabo yahay islamarkaana ay fooda inagu soo hayaan imtaxaanaadkii heer qaran iyo kii heer deegaanba. Wuxuuna intaas kudaray in deegaanada dalka laga wado kormeer ku’aadan waxbarashada kaas oo ah mid lasmeeeyo dhamaadka sanadwalba. Wuxuuna carabka kudhuftay masuulku in deegaanka soomaalidu uu yahay deegaanada isbadlka horumarineed kamuujiyay geedisocodka waxbarasho iyo waliba dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Dhankakale, nasasho yar kadib ayaa wasiirudalaha oo ay waheliyaan wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI iyo qaarkamid ah agaasimayaasha xafiiska waxbarashada ay booqdeen dugsiga sare MMJ isagoo si gaar ah u indho indheeyay qalabyada casriga ah ee wax lagu barto sida plasmaha, qololka  data-base ka ee lagu kaydiyo natiijada ardayada, qololka Zip ka ee lagu kaydiyo documentiyada dugsiga. Sidookale, wuxuu booqday Dugsiga hoose-dhexe ee wiil waal isagoo si gaar ah ugu kuurgalay guud ahaan adeegbixinta  dugisiga gaar ahaan fasalada barbaarinta caruurta ee looyaqaano ‘KG’.

Iskusoowada duuboo, wasiirka ayaa booqan doono dugsiyo ka baxsan magaalada jigjiga oo ay kamid yihiin dugsiyada degmada baabili.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>