Qabridahar(cakaaranews)Sabti, 23ka June, 2018. Mas’uuliyiin uu horkaacyo maayorka MMQ ayaa kormeer indho idhayn ah kugaadhay warshada laydhka ama xarunta mashruuca laydhka 24ka saac ee qabridahar kaasoo ah mashruuc laydhgalin ah oo laga soojiiday magaalada godey. Waxayna masuuliyiintu sheegeen in dadaal badan ay samaysay shirkadu islamarkaana meel gabagabo ah ay marinayso mashruuca.
Hadaba, Maayorka MMQ mudane Yuusuf Xasan Cali oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in mashruucan laydhka ee qabridahar uu meel fiican oo gabagabo ah marayo islamarkaana shirkadu ay dadaal badan samaysay iyadoo MMQ dhankkiisana uu dabagal joogta ah kusameeyo mashruucqa. Wuxuun intaas kudaray in mashruucani yahay mid magaalada godey laga soojiidayo kaasoo ahaa in lasoo qotomiyo 219 tower oo biraha laydhka ah isalamarkaasna si quruxbadan loo dhamaystiray walaw ay dhiman tahay oo kali ah inyar oo u dhaxaysa dhanaan iyo godey. Wuxuuna tilmaamay in dhismaha mashruucani uu dhamaad kudhawayahay islamarkaana ay qiyaasayaan in bil kadib ay soo gabagabayn doonaan guud ahaan waxyaabaha kadhiman mashruucan, wakhti dhawna laga faa'iidaysan doono. Mayorka oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka kudhuftay in mashruucani uu yahay mid faaiido badan u yeelan deena MMQ iyo waliba guud ahaan gobolka qoraxey. Dhankakale, Waxuu xusay in mashruucani uu bulsho badan oo tiradoodu kabadnatahay 500 uu shaqo abuur usameeyay.
Sikastaba ha ahaatee, mashaariicaha fidinta quwada korontada ee lagu gaadhsiinayo magaalooyinka waawayn ee deegaanka iyo wlaiba degmooyinka ayaa meel fiican maraya, walaw ay xusid mudan tahay in mashruuca quwada korontada 24ka saac ee MM dhagaxbuur uu isna meel gabgabo ah marayo. Iyadoo sidookalana degmada xamaro ee katirsan gobolka erer ay sitooosa u isticmaasho kadibmarkii dhawaan xadhiga lagajaray, loogana soo jiiday xarunta gobolka erer ee degmaada fiiq.
dhankaakle, hawlwadeenada shirkada dhismaha mashruuca gacanta kuhaysa ayaa dhankooda sheegay in mashruucu si xawlihi udhaqaatay bilihii udanbeeyay islamarkaana ay ku rajawayn yihiin in bil kadib ay dhamaystiri doonaan islamarkaana bulshada qabridahar ay wakhti dhaw kafaa'iidaysan doonaan maadaama, oo ay baahi badan u qabaan laydh 24 saac ah.
Iskusoowada duuboo, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee ay ugu horeeyaan quwada korontada ayaa ah kuwo xukuumada DDSI ay xaooga saartay sanadahan danbe islamarkaana si xawli ah kusocda.