Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Mas’uuliyiin Heer Deegaan Iyo Heer Gobol Ah Oo Kormeer Indho-indhayn ah Kusoomaray Qorshayaasha BBC ee Degmooyinka Gobolka Faafan.

$
0
0

Shabeelay(Cakaaranews) Khamiis, 21ka June 2018. Mas’uuliyiin isugujira heer deegaan iyo heer gobol  ayaa kormeer indho-indhayn ah kusoomaray mashruuca qorshaha BBC ee sanad miisaaniyeedka 2010TI ee laga hirgaliyay degmooyinka baabili iyo gursum iyo shabeelay.

Hadaba mas’uuliyiintan heer deegaan iyo heer gobol oo uu horkacayay wasiirka xafiiska horumarinta dooxooyinka iyo waraabka DDSI mudane Suldaan Khayre iyo wasiirka xafiiska horumarinta,dhismaha iyo magaalooyinka DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge ayaa sheegay inay ujeeadada kormeerkoodu yahay sida ay degmooyinkan ufuliyeen qorshayaasha mashruuca BBC ee sanad miisaaniyeedka 2010TI oo loogu talagalay in lagu maareeyo bulshada ay hayntooda yartahay iyadoo lasiinayo xoolo loona dhisayo gurigii ay ku noolaan lahaayeen, waxayna mas’uuliyiintu intaa ku dareen in qorshahan yahay mid muhiim u ah bulshada danyarta ah ee ku sugan degmooyinkan, mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeerkooda ku tagay tuulada qoloji oo ay degmada baabili qorsho ahaan uqaadatay inay ka fuliso qorshaha BBC, waxayna mas’uuliintu usii dhaafeen beer laga hirgaliyay isla degmada baabili ee gobolka faafan oo lagu beeray raashin iyo calafka xoolahaba.

Ugu danbayna mas’uuliyiinta ayaa cadeeyay in mashruuca BBC ee sanad miisaaniyeedka 2010TI ee degmooyinkn ay soo kormeereen si fiican loo higaliyay islamarkaana ay bulshadu sidii loogu talagalay ooga faaiidaysan doonto, Iyadoo ay mas’uuliyiintu soo kormeeri doonaan sida loo hirgaliyay qorshaha mashruuca BBC ee degmooyinka qabribayax iyo mula.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>