Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Imtaxaanka Heer Deegaan Ee Fasalka 8aad Oo Si Rasmi Ah Uga Bilawday Guud Ahaan DDSI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 18ka June, 2018. Kadib markii uu si nabad ah usoo dhamaaday imtaxaanaadkii heer qaran ee fasalka 10aad iyo 12aad ayaa Waxaa sidookale maanta si rasmi ah guud ahaan deegaanka uga bilawday imtaxaanka heer-deegaan ee fasalka 8aad islamarkaana ay imtaxaanka u fadhiisteen arday tiradoodu dhantahay 33,713 arday kuwaas oo imtaxaanka ku kalaqaadanaya 547 dugsi oo ah dugsiyada Hose/dhexe ee deegaanka.

Hadaba, imtaxaankan oo si habsamileh uga bilawday xarunta deegaanka ee magalada jigjiga ayaa waxaa soo kormeeray dugsiyada uu imtaxaanku kasocdo masuuliyiin uu horkacyo Wasiirka Xafiiska Waxabarashada DDSI Mudane Ibraahjim Aadan Mahad islamarkaana warbaahinta uga waramay habsami usocodka imtaxaanka. Wuxuuna sheegay wasiirku in imtaxaanka heerdeegan ee fasalka 8aad uu guud ahaanba deegaanka ka bilawday iyadoo imtaxaankana ay u fadhiisteen arday tiradoodu dhan tahay 33,713 arday kuwaas oo imtaxaanka ku kalaqaadanaya 547 dugsi oo ku kala yaala 11ka gobol, 93da degmo iyo walib 6da maamul-magaalo e deegaanka. Sidookale, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmamaay in imtaxaankan ay kaqaybqaadanayaan kormeerayaal iyo ilaaliyaal tiradoodu dhan tahay 2,233 xubnood.

Dhankakale, wasiirka ayaa kula dardaarmay dhamaan hawlwadeenada iyo commond-postiyada imataxaanka ee heerdeegaan, heer gobol ilaa heer dugsi in inta uu imtaxanku socdo ay dadaal badan muujinayaan sidii ay imtaxaanadii horeba ugu soo dadaaleen.

Sidookale, Agaasinka Waaxda Imtaxaanaadka Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Nuur Aadan Ciise oo isna dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in sanad dugsiyeedkan 2010 T.I uu kor ukacay ardayda imataxaanka qadanaysa ee fasalka 8aad marka labarbar dhigo sanadkii hore islamarkaana ay ardayda urajaynayaan natiijooyin wax ku’ool ah oo ay ugu gudbaan dugsiyada sare ee deegaanka. Wuxuuna intaas kudaray in xafiisk uu sameeyayo dadaalo badan oo kuaadan kor uqaadista tayada waxabarshaada.

Iskusoowada duuboo, imtaxaankan heerdeegan ee fasalka 8aad ayaa socon doona muda 3 cisho ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>