Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Xukuumada DDSI Oo Deeq Isugujirta Raashin Iyo Cagafcagaf Gaadhsiisay Degmooyinka Awbare, Harawo Iyo Danbal

$
0
0

Awbare(cakaaranews)Sabti, 16ka June 2018. Xukuumada DDSI oo kajawaabaysa baahiyaha iyo balanqaadyada shacabka ayaa deeq isugujirta cagafcagafyo iyo raashin kaladuwan gaadhsiisay bulshada ay dhawaan waxyeeleeyeen roobabkii iyo duufanadii ee kudhuftay meelo  kamid ah gobolada faafan iyo siti gaar ahaan degmooyinka Awbare, Harawo iyo Danbal.

Hadaba, xukuumada DDSI oo kajawaabaysa balan qaadyadii dhawaan uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ka balan qaaday bulshada kudhaqan degmada awbare ayaa lagaadhsiiyay gadiidka beeraha lagu qoto ee loo yaqaano cagafcagafta oo tiradoodu dhantahay 5 cagafcagaf. Iyadoo dhankakalana xukuumadu ay deeqraashin ah oo isugujirta Baasto, Bariis, Sonkor iyo Saliid gaadhsiisay  Bulshada danyarta ah ee kudhaqan Magaalada awbare iyo qabaleeyada hoosyimaada ee ay kamid yihiin dilaaca shekh cali iyo haliso.  Sidookale  waxaa deeqdan raashinka ah iyana lagaadhsiiyay bulshada kudhaqan degmada Harawo gaar ahaan senterada dharwaanjiye, layla-kaal, gogti iyo qabalaha Dhamal-boodhley. Meesha degmada Danbal ee gobolka siti’na la gaadhsiiyay senterada Cagaarwayne iyo Jabanta.

Dhankakale, Maareeyaha Wakaalada Ilaalinta Deegaanka Macdanta Iyo Tamarta DDSI Mudane Mawliid Haayir Xasan oo warbaahinta uga warbixyay ayaa sheegay in deeqdani tahay mid ay xukuumada DDSI ay kaga jawaabayso baahiyaha bulshada danyarta ah ee uu dhawaan roobaabkii duufaanta watay dhibka ugaystay. Wuxuuna intaas kudaray masuulku in deeqdani ay isugujirto bariis, baasto, saliid iyo sonkor islamarkaana bulshada lasiiyay ay yihiin bulshadii danyarta ahayd. Wuxuuna tilmaamay in xukuumada DDSI ay tahay mid kucaanbaxday kajawaabida baahiyaha shacabka deegaanka islamarkaana ay bulshadu aad ugu mahadcelinayan sida dhakhsaha badan ee looga soo jawaabay baahiyahoodii iyo balanqadkoodiiba.

Ugudanbayna, bulshadii deeqdan lagaadhsiiyay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin deeqdan lasoogaadhsiiyay. Iyagoo sheegay in xiligii ay ubaahnaayeen lookeenay deeqdan islamarkaana ay aad ugu mahadcelinayaan xukuumada DDSI


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles