Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Imtaxaanka Fasalka 12aad Oo Si Rasmi Ah Uga Bilawday Dhamaan Deegaanka

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 4ta, June 2018. Kadib markii uu si nabadgalyo ah uga soo dhamaaday deegaanka imataxaakii heer qaran ee fasalka 10aad ayaa Waxaa maantana si rasmi ah dhamaan dalka iyo deegaankaba uga bilawday imataxaanka heerqaran ee fasalka 12aad iyadoo xarunta deegaanka eemagaalada jigjiga ay kormeer indhoindhoyn ah kusoomareen habsami usocodka imtaxaanka mas’uuliyiin uu horkacyo wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI oo uu waheliyo maayorka MMJ iyo agaasimayaasha xafiiska waxbarashada DDSI.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hadaba, Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in imtaxaanka heerqaran ee fasalka 12aad uu si rasmi ah uga bilawaday dhamaan dugsiyada u diyaargarwaga jaamacadaha deegaanka (preparatory sch). Wuxuuna xusay in sanad dugsiyeedkan 2010 T.i ay imtaxaanka ufadhiisteen arday tiradoodu kor udhafayaso 10,000 oo arday oo ah fasalka 12aad kuwaas oo imtaxaanka kukala qaadanaya 98 dugsi oo deegaanka ah. Wuxuuna tilmaamay in imtaxaankan ay kaqaybqaadanayaan  281 ilaaliyaal ah iyo 63 kormeerayaal ah. Wasiirka oo hadal kiisa sii wata ayaa carabka kudhuftay in natiijooyin wanaagsan uu urajaynayo dhamaan ardayda qaadanaysa imtaxaanka heer qaran.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Dhankakale, Wasiirka ayaa sidookale soo kormeeray habsami usocodka imtaxaanka ee senetenrada dhagaxle iyo bombaas ee degmada gursum.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Iskusoowada duuboo, imataxaanka udiyaargarawga jaamacadaha oo si habasamileh uga bilawday dhamaan deegaanka ayaa socon doona mudo 4 maalmood ah kaas oo laga filayo inuu kuu soodhamaado jawi wanaagsan oo nabad ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>