Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Ururka Dhalinyarada Kacaanka Gaamuray Ee HEEGO Oo Banaanbax Kacodsaday MMJ, Canbaarayna Usoojeediyay Dadkii Kadanbeeyay Qaraxii Argagixisada Ahaa Ee Kadhacay Adhisababa

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 23ka June, 2018. Qaar Kamid Ah Xog Haynta Sare ee Ururka dhalinyarada kacaanka guumaray ee heego ayaa  dawlada hoose ee MMJ ka codsaday banaanbax balaadhan oo lagu taageerayo waxqabadyadii raisal-wasaaraha dalka  Dr. Abiy Ahmed iyagoo dhanka kalena si kulul ucanbaareeyay qarixii naxdinta lahaa  ee maanta ka dhacay xarunta dalka ee magaalada addis-ababa. Waxayna sidookale u tacsiyeeyeen qaraabadii iyo ehelkii dadkii ku waxyeeloobay qarixii sida waxshinimada ah ee argagixisanimada ah looga fuliyay isusoobixii balaadhnaa ee barxada wayn ee maskal Squere ee magaalada adhisababa islamarkaana shaacab-waynaha adhisababa ku taageerayeen waxqabadka mudada gaaban uu ku qabtay RW Dalka JDFI Dr. Abiyi Ahmed.

Hadaba, Xoghaynta Sare Ee Ururka Dhalinyarada Kacaanka Gaamuray Ee Heego oo warbaahinta deegaanka u waramay ayaa sheegay in dawlada hoose ee maamulka magaalada jigajiga ay kacodsadeen banaabax ay kutaageerayaan waxqabadkii RW Dalka Dr. Abiy Ahmed islamarkaana lagu canbaaraynayo qarixii argagixisada ahaa ee lala beegsaday isu soobixii balaadhna ee shaacbwayanaha magaalada adhisababa  islamarkaana ay kumuujinayeen taageeraha RW dalka JDFI  Dr Abiy Ahmed iyo dawladiisa.

Waxayna intaas kudareen in codsigoodii laga aqbalay islamarkaana maalinka bari ah ay qabanayaan banaanbax aad u baladhan oo lagu taageerayo waxqabadka RW Dalka Dr Abyi ahmed. Waxayna xuseen in ay fariin udirayaan dhamaan Ururka Dhalinyarada Kacaanka Gaamuray Ee Heego ee deegaanka kunool ay kaqaybqaataan banaan baxas bari kaqabsoomi doona xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga. Waxayna tilmaameen masuuliyiintu in RW dalku uu ka deegaan ahaan inaga mudan yahay taageero islamarkaana uu yahay RW u heelan deegaanka soomaalida horumarkiisa iyo nabadgalyadiisa iyo dhamaan wanaagiisa oo dhan. Waxayna xuseen in booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Raisal-wasaaraha dalku kuyimid jigjiga kasakow uu sidookalana RW dalku dhalinyarta Heego ku casuumay qasriga madaxtooyada dalka islamarkaana xurmo, jacayl iyo qadarin balaadhan intaba ay kala kulmeen. Waxayna carabka kudhufteen iyagoo kuhadlaya magacooda iyo magaca ururka dhalinyarta kacaanka gaamuray ee heego in wakhtiwalba ay taageero balaadhan lagarab taagan yihiin RW dalka JDFI Dr Abyi ahmed.

Ugudanbayna, xoghaynta sare ee ururka heego ayaa sidookale waxay canbaarayn kulul u soojeediyeen dadkii maanta qaraxa argagxisanimada ah ka gaystay caasimada Adhisababa fagaarihii bulshada aadka utirada badani isugu soo baxday kuwaasoo muujinayay taageeraha waxqabadka Raisal-wasaaraha Dalka JDFI Dr abiyi ahmed. Waxayna tacsi qiiro leh usoo jeediyeen eheladii iyo qarabadii dadkii ay dhibaatadu kasoogaadhay qaraxaas foosha xun ee sida fulaynimada ah looga fuliyay fagaarahaas malaayiinka qof isugu yimaadeen..


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>