Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Fariintii madaxwaynaha

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti, 23ka June 2018. Tan iyo intii loo doortay  raisal-wasaare Dr. Abiy Ahmed waxaa jira isfahano balaadhan iyo talaabooyin uu ku guulaystay mudo gaaban gudohood.

Hadaba anigoo ku hadlaya magacayga, magaca xukuumada iyo ka shacabwaynaha DDSI ayaa waxaan bogaadinaynaa  guulahaas iyo natiijooyinkaas  wax ku oolka ah ee uu raisal-wasaaruhu mudada gaaban gudaheed ku gaadhay.Hadaba waxaa xusid mudan in maanta oo ah oo maalin sabti ah  taariikhduna tahay 16ka bisha Sane 2010TI ama 23ka June 2018 inay malaayiin dad ah oo ku nool magaalada addis-ababa iyo nawaaxigeeda ay isugu soo baxeen banaanbax ay ku muujinayaan taageerada ay uhayaan raisal-wasaaraha ayaa iyadoo munaasabadii siwanaagsan uqabsoontay taagantahayna gaba-gabadii oo uu raisal-wasaaruhu qudbadiisii gaba-gabeeyay ayaa waxaa dhacay fal argagixsonimo ah oo qarax bom ah.

Ugu danbayna Wuxuu madaxwaynaha oo ku hadlaya magaciisa, magaca xukuumada iyo ka shacabwaynaha deegaanka uu si kulal u canbaareeyay falkaasi sida fulaynimada ah loo fuliyay ee ay ka danbeeyeen shaqsiyaadka argagixisada ah isagoo halkan tacsi tiiraanyo leh uu madaxwaynahu  uga dirayo dhamaan eheladii iyo qaraabadii dadkii ku wax yeeloobay qaraxaas iyo shacab waynaha dalkeena itoobiya islamarkaana cadeeyay inay xukuumada deegaanka ka gaysanayso taageerada kaga aadan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>