Jigjiga(cakaaranews)Talado, 12ka June 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud cumar iyo maareeyaha Guud xarunta arrimaha socdaalka JDFI ayaa si wada jir ah xadhiga uga jaray xafiiska arrimaha socdaalka iyo jinsiyadaheerqaran laantiisa jigjiga. iyadoo munaasabadana ay kasooqaybgaleen mas’uuliyiin kasocday heer federal, culimo awdiinka, odayaal dhaqameedka deegaanka sida garaadaada, ugaasyada, suldaamada iyo bulshada qaybaheeda kaladuwan. Waxaana ugu horayn lagu daahfuray ducada culimo awdiinka deegaanka.
Hadaba, Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xadhig kajarkii kadib halkaasi kasoojeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa. Isagoo madaxwaynuhu uu ugu horayn kahadlay xuquuqda iyo sharciga ay u leeyihiin muwaadimiinta deegaanku inay si dhib yar ku helaan aqoonsi iyo passaport sharci ah wakhti gaaban gudihii. Madaxwaynaha ayaa sidookale ka warbixyay dhibaatada shacabka deegaanka ka haysatay qaadashada passaporka oo adhisababa loo doonan jiray iyo masaafada ay isujiraan degmooyinka xadka kuyaala iyo adhisababa. Wuxuuna xusay in furitaanka laantan socdaalada ee jigjiga laga furay ay dadaal badan xukuumadu ugashay islamarkaana ay kuguulaysteen. Arrintaasina ay tahay mid ilaahay loogu mahadceliyo, guulwayna u ah bulshada deegaanka qaran joog iyo qurbajoogba.
Sidookale, Madaxwaynaha ayaa tilmaamay in dhibaato kale oo balaadhan ay deegaanka kajirtay taas oo ahayd Dhanka taysarada. Islamarkaana taysaraha deegaanku ahaa mid la foojariyeeyo, markastana ay laanta socdaaladu qabanjireen. Arintaasna ay xukuumadu ka gaadhay xal aan soo noqosho lahayn. wuxuuna cadeeyay madaxwaynuhu in laga bilaabo maanta aan taysaraha ama aqoonsiga deegaanka aan lafoojariyayn Karin si kasta oo la isugu dayo in loo foojariyeeyo. waayo, waxaa loo sameeyay si tayo leh oo aysan cidna u foojiriyayn Karin. Wuxuuna xusay in aqoonsigu leeyahay Parcode iyo waliba calaamado ugaar ah isaga, tanina ay tahay mid xukuumadu ku bixisay miisaniyad, wakhti iyo fikir islamarkaana ay deegaanada dalku kaga dayan doonaan DDSI.
Dhankakale, Maareeyaha Xafiiska Arrimaha Socdaalka Iyo Jinsiyada JDFI Mudane G/Yohanes Taklu oo isna kahadlay munasabadan ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay shacabka deegaanka soomalidu ay si dhib yar uga qaadan karaan adeegyadii ay ubaahnaayeen ee laxidhiidhay arrimaha socdaalada. Wuxuuna xusay in furida xafiiskan laga furay magaalada jigjiga ay xukuumada iyo shacabkuba dadaal baladhan ugaleen islamarkaana ay guul balaadhan u tahay shacabka DDSI.
Sidaasdarteed, waxaa xusid mudan xafiiskan arrimaha socdaalada iyo jinsiyada JDFI laantiisa Jigjiga uu adeeg-bixintiisi ugu horeeysay maanta bilaabay iyadoo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar uu xubnihii ugu horeeyay ee adeega passaporka qaata uu halkaasi ku gudoonsiiyay.
Iskusoowad duboo, bulshada kudhaqan magaalada jigjiga ayaa si wayn usoo dhawaysay xafiiskan cusub ee arrimaha socdaalka iyo jinsiyada ee laga furay magaalada jigjiga waxayna u mahadceliyeen xukuumada DDSI iyo XDSHSI.