Addisaba(cakaaranews) Arbaco, 6da june, 2018. Shirwaynihii caadiga ahaa ee Gudiga fulinta xisbiga EPRDF uu yeeshay 28kii bishan ginboot, 2010T.I ama 5tii june, 2018 ayaa lagu xaqiijiyey inuu wadankeena itoobiya 15kii sano ee udambaysay uu kuguulaystay in lasoo hoyiyo horumar dhaqan dhaqaale oo xawli ah islamarkaana waxay gudigu hoosta kaxariiqeen in horumarka laxaadka leh ee guud ahaanba wadanka kahanaqaaday uu abuuray dhaqdhaqaaaqyo xoogan oo dhiiragelinaya maalgashiga dalka gudihiisa iyo soo jiidashada maalqabeenada dibada iyagoo Golaha fulinta ee xisbiga EPRDF ay si qoto dheer uqiimeeyeen dhamaan hawlaha shaqo ee ubaahan in fiiro gaar ah lasiiyo.
Dhanka kale Gudiga fulinta ayaa isla qaatay in labadii sano iyo badhkii lasoo dhaafay uu Ganacsiga wadanku hoos uga dhacay qorshihii loogu talagalay sidaasdarteedna ay dawladu qaadayso Talaabooyin lagu dardargelinayo kor uqaadida kobaca waxsoosaarka beeraha, warshadaha, dhoofinta, waxsoosaarka dibada iyo maalgashiga wadamada dibada.
Sidoo kale golaha ayaa xaqiijiyey inay caqabado kajiraan dhinacyada soo xaraynta lacagaha qalaad ama balaadhinta helida lacagta adag ee sida doolarka, kobcinta awooda nidaamyada dakhli ururinta, qiimaha maciishada aas aasiga ah iyo maamulka suuban. Wuxuuna gudigu soosaaray jihooyin iyo tabo ku aadan Sidii xalwaara oo degdeg ah loogu heli lahaa dhamaan caqabadahaas jira.
Gudiga Fulinta ee EPRDF ayaa Go’aamiyey in Si kor loogu soo qaado Haynta dhaqaalaha muwaadiniinta wadanka iyadoo laga qayb gelinayo bulshada(inclusive growth) inay maalqabeenada wadanku qayb kuyeeshaan mashaariicaha waaweyn ee dalka gudihiisa si markaasi loo xaqiijiyo loogana midho dhaliyo rabitaanka maalgashi ee qurbajoogta itoobiya ay mudada dheer kudoonayeen inay dhaqaalaha maalgashiga dalka door libaax leh kaqaataan islamar ahaanta ay maalqabeenada waawayn ee lagu yaqaano soo xaraynta dhaqaalaha adag ama sarifka qalaad ee wadamada dibadu ay si macquul ah uga qayb qaataan kobaca dhaqaalaha dalkeena.
Hadaba Hawlaha ugu muhiimsan ee ay golaha Fulinta EPRDF war-murtiyeedka kusoo saareen ayaa ah sidan:
Ø In mashaariicaha adeegyada iyo waxsoosaarka ee dawladu leedahay ee dhismahoodu dhamaaday iyo kuwa aan dhamaaninba sida shirkada tareenka, horumarinta waxsoosaarka sonkorta, xarumaha warshadaha, Huteelada iyo shirkadaha kale ee waxsoosaarkaba qayb ahaan ama dhamaanba lagu wareejiyo shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo maalqabeenada
Ø In shirkada isgaadhsiinta itoobiya, shirkada duulimaadka cirka, shirkada quwada laydhka itoobiya iyo shirkada gaadiidka iyo adeega badda ay qayb dawladu qaadato qaybta kalena lagu wareejiyo maalqabeenada dalka iyo kuwa dibada
Ø In nidaamyada fulineed ee hawlaha shirkadaha dhaqaaluhu uu noqdo mid kusalaysan dabeecadaha dawladaha horumarineed islamarkaana lagu hogaamiyo hanaan ilaalinaya faa’iidada horumarineed ee kobaca dhaqaalaha itoobiya oo si anshax kudheehan yahay oo cilmiyeysan ay xirfadlayaal yaqaana usoo saaraan nidaamyada shaqo
Ø Waxaa intaas dheer Golaha fulinta ee EPRDF ayaa kadib markii ay si qoto dheer uqiimeeyeen xaalada taagan ee wadanka Eritrea iyo itoobiya ayuu Goluhu xukuumada Eritrea ugu baaqay in lasoo afjaro Isfahan daradii iyo colaadii sokeeye ee hadda kahor kadhex dhacday labada dal islamar ahaantaana labada shacab ee walaalaha ah laga dhex dhaliyo Isfahan iyo nabadgalyo waarta.
Kobaca itoobiya iyo kafaa’iidaysiga horumarineed ee shacabkaba shayga ugu qiimo badan uguna wayn waa nabadgalyo waarta sida uu goluhu cadeeyay. waxayna Hogaaminta dawlada itoobiya iyo xisbiga talada wadanka hayaba ay si adag ucadaynayaan inaysan suurtogal ahayn isbadalada iyo horumarada shaqsiyadeed ilaa iyo kan wadankaba islamarkaana aan bilaa nabadgalyo lahirgelin karin ujeedooyinka horumarineed iyo kuwa dimuqradiyadeedba. Waxaana xaqiiqo ah in laga soo bilaabo sanadkii 1999G.C. dagaalkii dhexmaray labada wadan ee itoobiya iyo Eritrea inay kudhinteen kumanaan shacab ah oo daganaa xuduuda itoobiya iyo Eritrea oo ay guryahoodii iyo maalkoodiiba kabarakaceen islamarkaana uu dagaalkaasi jaray xidhiidhkii ganacsi iyo kii diblomaasi ee labada dal ee dariska iyo walaalahaba ah.
Iskusoo wada duuboo dagaalkan foosha xun ee kadhex dhacay shacabka labada wadan ee itoobiya iyo Eritrea ayaa 20kii sano ee lasoo dhaafay saamayn balaadhan ugaystay dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasada labada wadan. Sidaadarteed, golaha Fulinta EPRDF wuxuu baaq udirayaa inaan shucuub wadaagta dhiig, dhaqan, luuqad iyo xidhiidh taariikheed oo soo jireen ah inaysan sidaas kukala gu'i karin. Waxaana idiin cadaynaynaa ayay dheheen goluhu inay itoobiya ay aqbalayso islamarkaana aan hirgelinayno awaamiirtii heshiiskii Aljeris iyo dhamaan go’aamadii komishinka xuduudaha midawga afrika kasoo baxay anagoo eegayna faa’iidada ama danaha labada shacab ee xiitaa dhiiga iyo dhaqankaba wadaaga. Waxaana idiin xaqiijinaynaa inaan sii wadi doono siyaasada kafaa’iidaysiga iyo sinaanta kusalaysan ee dalkeena.
Waxaana xukuumada Eritrea looga baahan yahay inay aqbalaan baaqa nabadeed ee gudiga fulinta EPRDF iyo Hogaaminta sare ee dawlada itoobiya iyagoon wax shuruud ah kuxidhin in wada noolaanshihii iyo xidhiidhkii labada shacab ee walaalaha ah lagu soo celiyo sidii hore islamarkaana aan si kago’naansho leh aan uga wada shaqayno inaysan dhibaatadan oo kale marnaba soo noqonin.
Xafiiska Golaha dhexe ee xisbiga EPRDF
June 5, 2018.
Addis ababa, Ethiopia