Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Mashruuc Dhinaca Adeega Caafimaadka Ah Oo La Daah-furay maanta.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),khamiis, 5ta, January, 2017. Xafiiska Caafimaadka DDSI iyo hay’adaha ay bah-wadagta yihiin ayaa maanta  hoolka shirarka ee  huteelka xamda ee caasimada DDSI ku qabtay  Xaflad  lagu daah-furayay mashuuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka wajigii 2aad ,  waana mashuuc ay siwada jir ah u hirgalinayaan  xafiiska caafimaadka DDSI iyo shan hay’adood oo ka mid ah hay’adaha  ay bah-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI

xafladii lagu daah-furayay mashruuca cusub dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka  wajigiisa 2aad ayaa  waxaa ka soo qaybgalay masuuliyinta xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil, masuuliyiin ka socotay wasaarada caafimaadka JDFI iyo masuuliyiinta ugu saraysa  hay’adahan fulinaya mashruucan  

waxaana ugu horayntii ka hadlay furitaankii xafladaa  wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI dadaal xoogan ugu jiro sidii bulshada DDSI loo gaadhsiin lahaa adeeg caafimaad oo taya leh mashuucanna  qayb ka yahay dadaaladaasi . Wasiirka ayaa intaa ku daray in mashruucan maanta la daah-furayaa wax-wayn  ku soo kordhin-doono dadaalada loogu jiro gaadhsiinta adeeg caafimaad oo tayaysan bulshada Reer-guuraaga ah ee DDSI gaar ahaan adeega caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka.

Dhankiisa maareeyaha  mashruuca Dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka  DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse oo warbaahinta warbixin dheeriya ka siiyay shaqooyinka mashruucan uu qaban-doono  ayaa sheegay  in uu kaalin libaax ka qaadan doono ka  midho dhalinta qorshayaasha u yaala xafiiska caafimaadka DDSI gaar ahaan kor u qaadida adeega caafimaadka hooyada iyo dhalaanka. Maareeyaha ayaa codsi u diray maamulada heer gobol iyo heer degmo codsi gaasi oo ahaa in ay gacan siiyaan, dabagalaan lana xisaabtamaan fuliyayaasha mashruuca si bulshada  loo gaadhsiiyo adeegyada loogu  talagalay in looga  faa’iideeyo.

 

mashruucan cusub ee maanta la daah-furay ayaa waxa uu  oo socon doona muddo 2 sano ah  wuxuuna  daba socdaa xoojina u yahay mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka  qaybtiisii 1aad  (RIF) ee  uu xafiiska caafimaadka DDSI uu hirgaliyay,  mashruucan cusub ayaa ka hawlgalidoona 76 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka iyo 5 maamul magaalo.


Xaflad Lagu Soo Xidhay Tababar U Socday Saraakiisha Ciidamada Difaaca Qaranka Oo Ka Dhacday jijiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaanews), khamiis, 5ta , January, 2017. Taliyaha guud ee ciidamda difaaca qaranka JDFI general Samoore Yoonis oo ay wehelinayaan masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tababar in mudo ah u socday saraakiisha ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari itoobiya ugu soo xidhay  xarunta tababarada ciidamada difaaca qaranka Garabcase ee caasimada DDSI.

Haddaba soo xidhitaankii tababarkaasi ka dib ayaa loo  qaybtay saraakiishan ciidamada qaranka qaybta koonfur bari itoobiya xaflad lagu soo xidhayay tababarkaasi oo ka dhacday madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan taasi oo ay  ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha ciimada qaranka qaybta koonfurbari itoobiya oo uu ka mid yahay taliyaha guud ee ciidamada difaaca  qaranka qaybta koonfur bari itoobiya. General Abraham Wolde Mariam.

 

Xafladan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa heeso wadaniya, dhaantooyin iyo madadaalooyin kale ku soo bandhigayay kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo kooxda fanka iyo suugaanta ciidamada qaranka qaybta koonfur bari itoobiya.

Gaadiid Sida Calafka Xoolaha Oo U Anbabaxay Degmooyinka Abaaruhu Saameeyeen.

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews) jumce 6da, January, 2017.  Xukuumada DDSI ayaa dadaal dhinaca kasta leh ugu jirta sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ay keentay cimilada  isbadashay waxayna deeqo aan kala go’lahayn oo iskugu jira raashino iyo calafka xoolaha gaadhsiisaa goobaha ay abaaruhu saameeyeen si dadka iyo duunyada looga samata  bixiyo  cunna la aanta  ka iman kara  abaarahaas.

 

Haddaba, waxaa magaalada jigjiga ee caasimada DDSI  ka anbabaxay 56 baabuur oo ay saaran yihiin calafka xoolaha oo ay xukuumada DDSI ku deeqday bulshada ku dhaqan degmooyinka  abaaraha ay keentay cimilada isbadashay saameeyeen.

Wasiirka xoolaha iyo horumarinta Reer-guuraaga DDSI marwo Faaduma Cabdilaahi Takhal  ayaa warbaahinta deegaanka sharax dheerka siisay  gawaadhidan sida calafka xoolaha. Waxayna sheegtay  in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto sidii bulshada deegaanka looga xakamayn lahaa waxna looga qaban lahaa abaaraha  ay keentay cimilada isbadashay. Wasiirada oo hadalkeeeda sii wadata ayaa sheegay in 56 gaadhi sida calafka xooluhu u anbabaxayaan degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen.  Waxayna wasiiradu intaa kudartay in gargaarkani  ayna ahayn markii ugu horaysay ee xukuumadu gaadhsiiso bulshadeeda abaaruhu saameeyeen. ee ay jiraan deeqo kala duwan oo la gaadhsiiyay goobaha ay abaaruhu saameeyeen.

Isku soo wada xooriyoo  maalmo yar ka hor ayay ahayd markii  72 gaadhi oo sida deeqo iskugu jira  raashin iyo calafka xoolaha loo diray degmooyinka ay abaaruhu saameeyen iyada oo dhinaca kalena dhawaan ahayd markii  kabineetka Deegaanku ansixiyeen 45 Milyan Oo birr oo loogu talagalay  in lagaga gaashaanto abaaraha ay keentay  isbadalka cimilada ee saamayn ku keeni kara  bulshada deegaanka.

 

 

Tababar Loo Hayay Macalimiinta Dhiga Sayniska Iyo Xisaabta Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews) Jumce 6da January 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI waaxdiisa horumarinta macalimiinta iyo waxbarashada DDSI oo loo qabtay macalimiinta dhiga maadooyinka Sayniska iyo Xisaabta ee dugsiyada hoose dhexe ee gobolada Faafan, Jarar,Siti iyo Erar, ayaa lagusoo gabagabeeyay  kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Mahad oo sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu ahaa mid kor loogu qaadayo  garaadka aqooneed ee barayaasha dhiga maadooyinka Sayniska iyo xisaabta ee dugsiyada hoose dhexe oo ka kala yimid degmooyinka gobolada faafan, jarar, Siti iyo Erar. Sidoo kale wuxuuna wasiirku kula dardaarmay barayaasha inay aqoonta ay ka faaiideen tababarka ay ka dhaqangaliyaan schoolada ay barayaasha ka yihiin, Isagoo wasiirku xusay  inuu xafiiska waxbarashada heer deegaan uu  dadaal dheer ugu jirto siduu kor oogu qaadi lahaa tayada macalimiinta deegaanka islamarkaana uu macalimiinta deegaanka uqabto tababaro lagu kobcinayo garaadkooda aqooneed ee barayaasha.

Dhanka kale waxaa isana xidhitaankii tababarka ka hadlay agaasinka horumarinta macalimiinta iyo waxbarashada DDSI mudane Farxaan Cabdi Makhtal oo sheegay in tababarkan oo socday mudo 5 cisho ah lasoo gabgabeeyay islamarkaana barayaasha looga baahan yahay ficilkii iyo inay usii gudbiyaan goobaha ay ka howlgalaan islamarkaana ku dadaalaan sidii ay usoo saari lahaayeen arday tayo leh. Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah barayaasha tababarka qaadanayay oo sheegay inay wax badan ka faaiideen tababarka islamarkaana ay ka dhaqan galin doonaan schoolada ay ka howlgalaan.

Websiteka Tigrai Online Oo MW CMC Udoortay Hormuudka Sanadka 2016GC

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce,6da January 2017. Websiteka Tigrai Online oo ah wesite caan ka ah dunida islamarkaana kuhadla ama turjuma siyaasada xisbiga TPLF ee deegaanka Tigray kana mid ah websiteyada ugu horeeya dalka ayaa MW CMC udoortay inuu yahay hormuudka sanadka 2016ka Kadib go’aankii geesinimada iyo wadaniyada lahaa ee uu fikirkiisa kuqaatay kagana hor-yimid ururadii nabadiidka iyo naftanyaaga ahaa ee Onag iyo Ginboot7 ee iskudayay inay khal-khalgaliyaan nidaamka federalismka ah, Kudhaqanka dastuurka dalka, Nabadgalyada, Xasiloonida iyo horumarka ay haystaan dhamaan qawmiyadaha iyo shucuubaha kaladuwan ee dalku iyadoo waliba ahayd xili ay aad u adkayd in go’aanka noocan ah laqaato islamarkaana uu go’aankiisii noqday mid midho tayaysan dhalay.

Dhanka kale, waxaa xusid mudan in Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar uu kamid noqday 5tii xubnood ee dib looga soo doortay 13kii xubnood ee horey uhogaaminayay hay’ada Meles Foundation islamarkaana uu kamid yahay xubnaha mar labaad loo soo doortay inay hogaamiyaan hay’adan 4ta sano ee soo socota.

Hadaba xagan hoose ka akhriso qoraalka uu websiteka Tigrai Online ugu doortay mw cmc hormuudka sanadka 2016ka oo isagoo English ah aan kasoo xiganay websiteka Tigraionline:

Tigrai Online chose Abdi Mohamud Omar as person of the year 2016

 After careful consideration of a few selected Ethiopian men and women who worked tirelessly for the betterment of the Ethiopian people we chose Ethiopian Somali regional State President Abdi Mohamud Omar as our person of the year for 2016.

 

President Abdi Mohamud Omar came to public attention in the summer of 2016 when the shameful crisis in Gonder was on its lowest point. Ginbot -7 armed hooligans and anti peace elements in the Amhara regional state motivated thousands of people to go out and destroy the city’s businesses, infrastructure, and residential houses.

 

The armed gangs killed many innocent civilians, burned their houses, businesses and deported over ten thousand women and children from many areas of the Amhara region just because they were Tigraians. While they declaring their solidarity with Oromos, they were deporting Tigraians to Sudan. The aim was to create ethnic conflict and bloodshed and destroy the federal system in Ethiopia.

 

While the federal and Amhara state governments did absolutely nothing, The people of the Ethiopian Somali regional State roar in full force defending the federal system in Ethiopia and standing strong with their brothers and sisters in Tigrai. A massive demonstration was held in Jigjiga city in Somali State. The demonstrators demanded an immidaite stop to the madness in Gonder, Bahirdar, Metema Yohannes and other places in Amhara region.

 

The Eritrean Satellite Television ESAT TV, VOA Amharic, and other extremist media supporting the backward and shameful action in Gonder tried to portray the demonstrations in Somali State as pressured by TPLF to show support for the government.

 

The Somali State people worldwide from Norway to the United States came out in the thousands telling the primitive extremists if it wasn’t for the sacrifice of the Tigrai youth to remove the fascist Dergi regime all the miraculous transformation in Ethiopia would not have been possible.

 

Abdi Mohamud Omar the Somali State’s president went on the media campaign explaining in an amazing eloquence and clarity what was taking place in Gonder. He said all the destruction has nothing to do with freedom, democracy or TPLF domination, it was about demolishing the federal system in Ethiopia and bringing back one ethnic domination to Ethiopia.

 

At the end the best friend of Gonder/G7 the OLF told them we have nothing in common with you, we are working to disintegrate Ethiopia and establish the Islamic Republic of Oromia on its grave. We hope the backward primitive racist extremists learned a lesson from their greedy and destructive action in 2016.

 

Abdi Mohamud Omar and the brave people of Somali state, Afar state, and the Harare people stood on the side of justice, on the side of federalism and on the side of the people of Tigrai when it was critical. We the people of Tigrai will remember this for generations to come

 

The Somali Ethiopians are not afraid to express their anger at the backward extremists inside Ethiopia and in the Diaspora. In the past few days the Ethiopian Somli community in London, Norway, and the United States went out in the thousands to show support to the Ethiopian Federal System and express their outrage at bandits of Issais Afwerki and mercenaries of Egypt.

 

So far the people of Tigrai are patiently waiting to see what the Ethiopian Federal Government is going to do about the criminal acts committed in many Amhara areas against innocent Tigraians.

 

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif"; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:"Times New Roman"; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:"Times New Roman"; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

 

Fiiltu iyo Tababar Loogu Qabtay Macalimiinta Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Fiiltu(cakaaranews)Jumce 6da January 2017.  Xafiiska waxbrashada DDSI oo maalmahanba tababaro kaladuwan u waday macalimiinta degmooyinka deegaanka gaar ahaan barayaasha Luuqada Ingiriiska iyo maadooyinka sayniska Islamarkaana lagu tababarayay qaar kamid ah macalimiinta degmooyinka Gobolada Liibaan, Afdheer iyo Daawa ayaa lagu soo gabagabeeyay xarunta gobolka liibaan ee magaalada Fiiltu.

Hadaba, Khabiir katirsan Xafiiska Waxbarashada DDSI ahna Madaxa Kooxda Tababarka bixinaysay Mudane Maxamed Cumar (Timocade) oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in tababarkani ahaa mid macalimiinta aqoontooda kor loogu qaadayo. wuxuuna intaa kudaray in tababarkan macalimiinta lagu barayay casharo laxidhiidha maadooyinka takhasuskooda ah sida koruqaadida nidaamka barisbarasho ee luuqada ingiriiska iyo waliba maadooyinka sayniska ah islamarkaana ay casharada bixinayeen macalimiin u xeeldheer maadooyinkaas. Iyadoo habka tababarkuna uu ahaa casharbixin caadi ah,  dood wadaag iyo laylisyo lasiinayay macalimiinta kadibna ay soojeedinayeen.

Sidookale,  macalimiintii tababarka qaadanaysay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tababarkan loo fidyay ee loogu qabtay xarunta gobolka liibaan ee magaalada fiiltu iyagoo carabka kudhuftay in casharo faaiido u leh ay kaheleen tababarkan.

Ugudanbayna waxay xuseen in xafiiska  waxbarashada DDSI uu wado dadaalo aan kalago’lahayn islamarkaana ay ka codsanayaan xafiiska in uu sii wado tababarada gaagaaban ee noocan ah ee lagu kobcinayo aqoonta macalimiinta.

 

Tababar Ku Saabsan Maaraynta Xogaha Caafimaadka Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranew),sabti, 7da January, 2017. Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta  iyo adeega shacabka DDSI tababar ku saabsan  maaraynta iyo tayaynta xogaha caafimaadka  oo ku salaysan   adeegsiga  aaladaha casriga ah.

Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo  muddo 6 maal-mood ah socday ayaa waxaa loo hayay 82 xubnood oo ka kala socday xarumaha caafimaadka iyo xafiisyada caafimaadka ee degmooyinka gobolada Faafan, Nogob, Erer, Siti iyo maamulada magaalooyinka Wajaale, iyo Qabribayax.

Waxaana, soo xidhitaankii tababarkan ka hadlay gadhwadeenka geedi socodka qarshaynta iyo dabagalka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Maxamed Ayaanle Xasan oo ka warbixiyay ahmiyada uu lahaa tababarku wuxuuna sheegay in xukuumada DDSI gaar ahaan  xafiiska caafimaadka DDSI dadaal aan kala go’lahayn ugu jiro sidii bulshada deegaanka loo gaadhsiin lahaa adeegyo caafimaad  oo tayaysan islamarkaana deg degsiimo leh. Gadhaweenka ayaa sheegay in tababarkan uu ahaa mid ahmiyad balaadhan u leh adeegyada caafimaadka ee xarumaha caafimaadka gaar ahaan dhinaca maaraynta xogaha caafimaadka .  isaga oo ku booriyay tababartayaasha qaatay tababarkan in ay marka ay ku noqdaan goobahoodii  shaqo ay ka midho dhaliyaan cashiradii ay ku barteen tababarka.

Waxaa kale oo ka hadlay soo xidhitaankii tababarka iskuduwaha dabagalka xogaha caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Wali Axmed Nuur oo sharaxaad  dheer ka bixiyay ujeedooyinka laga lahaa tababarka. Wuxuuna sheegay in uu ahaa tababar lagu xoojinayay hirgalinta nidaamka maaraynta xogaha caafimaadka  iyo  helitaanka xogaha caafimaad ee deg dega ah  gaar ahaan xogaha caafimaadka hooyada iyo dhalaanka. Isaga oo intaa ku daray in nidaamka  maaraynta xogaha caafimaadka ee la hirgalinayaa yahay mid lagu salaynayo aaladaha  moobilka oo xogaha caafimaadka laga helidoona lays kuguna  gudbindoono aalada  moobilka taasi oo wax wayn ka qaban doonta ayuu yidhi dadaalada loogu jiro ka midho dhalinta qorshayaasha caafimaadka iyo gaadhsiinta bulshada deegaanka adeeg caafimaad oo tayadiisu sarayso.   

Kulan Wada Tashi Ah Oo Ka Qabsoomay Kuliyada Tababarada Macalimiinta Ee Dr Cabdulmajiid Xuseen

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 7da January 2017. Kulan wada tashi oo ay yeesheen hormuudka kuliyada tababarada macalimiinta ee dr cabdulmajiid hussen oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyinta kuliyada oo uu ugu horeeyo maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta dr cabdulmajiid hussen mudane Kifaax Maxamed Macalin , maareeye kuxiineeda, Agaasimayaasha, macalimiinta, Ardayda iyo heer kala duwan ee shaqaalaha ka howlgala kuliyada ayaa ka qabsoomay hoolka shiirarka ee isla kuliyada.

Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta ee dr cabdul majiid mudane Kifaax Maxamed Macalin  oo sheegay inuu kulankan yahay mid lagu dardargalinayo geedisocodka waxbarasho iyo mida shaqo ee kuliyada, Wuxuuna maareeyuhu intaa kudaray in si wada jir ah looga wada shaqeeyo nadaafada kuliyada iyo adeegyada kala duwan ee ubaahan in lasii xoojiyo, Sidoo kalana wuxuu maereeyuhu xusay in qof walba uu kasoo baxo kaalinta shaqo ee ku aadan islamarkaana qofwalba lagu baran doono shaqadiisa haday xuntahay iyo haday fiicantahayba.

Dhanka kale waxaa iyana fikirkooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha kulanka oo sheegay inay kulankani yahay mid muhiim ah islamarkaana xusay inay kasoo bixi doonaan kaalintooda shaqo ee ku aadan, Iyagoo intaa kudaray inay awaamiirta lagu kala qaatay kulanka ay ubadali doonaan ficil.


Komishineerka Komishinka Anshaxa Iyo Ka Hortaga Musuqa Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Komishinka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Sabti,7da, January, 2017.  Komishineerka komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI  mudane Maxamuud Cabdiqaadir Maxamuud oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta DDSI  ayaa ka warbixiyay waxqabadkii komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI ee 6dii  bilood ee ugu danbeeyay sanadka 2009TI.

Komishineerka ayaa sheegay dadaalada  balaadhan ee ay xukuumada DDSI  sanadihii ugu danbeeyay ugu jirtay  abuurida bulsho ku baraarugsan waxyeelada iyo cawaaqib xumada musuqa, haddaba, si looga midho dhaliyo qorshayaasha iyo istaraatajiyadaha u dajisan xukuumada DDSI ayaa waxa uu yidhi  komishineerka  waxa uu  komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa  taabo galiyay tababaro iyo wacyi galin la xidhiidha anshaxa la dagaalanka musuqa, taasi oo uu komishinku suurta galiyay hirgalinta  hab raacyada anshaxa ee mas’uulinta iyo shaqaalaha dawlada looga baahan yahay in ay raacaan jihooyinka lagu cidhibtirayo musuqa  islamarkaana dabagal lagu sameeyo dhaqan galintooda.

Komishineerku  mar uu ka waramayay waxqabadka komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI ee 6dii bilood ee ugu danbeeyay  ayaa sheegay  in komishinka oo  Kaashanaya Xafiisyada iyo hay’adaha DDSI ee ay bah-wadaagta yihiin ay  baadhitaan iyo sixitaan ku sameeyeen  hab dhaqanka iyo nidaamyada shaqo ee xafiisyada dawlada iyo hay’adaha horumarinta dawliga ah ee u nugul musuqa  iyada oo  sidoo kale   marka ay soo gaadho xog ama uu ka war helo in dambiyo  ka dhan ah musuqa ay ka dhaceen ama looga shakiyo in ay ka dhaceen xafiisyada dawlada ama hay’adaha horumarinta ee dawliga ah islamarkaana ka qaataa talaabada ku haboon isaga oo sheegay in kiisaskii soo galay 6dii bilood laga gaadhay go’aan sharciga waafaqsan.

Gabagabadii komishineerka ayaa dar-daaran dheer ka bixiyay siyaabaha looga foojignaado aafooyinka iyo cawaaqib xukumada musuqa isaga oo  digniin kama danbays ah u diray cidkasta oo isku dayda in  ay musuq gasho, wuxuuna intaasi ku daray  in komishinku tooshka ku hayo shaqsi kasta oo isku daya in uu musuq galo lana hor keenidoona sharciga si looga qaado talaabada ku haboon.

 

 

MW CMC Oo Dhagax Dhigay Mashruuca Dhismaha wayn Ee Kaali Mall

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 26ka November 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo heer deegaan ah, odayaal dhaqameedka deegaanka, iyo marti sharaf kale ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca wayn ee dhismaha kaali mall oo ah G+5 oo ay ku baxayso miisaaniyad lacageed oo dhan 160,000000 Birr (boqol iyo lixdan milyan oo birr) islamarkaana loogu talagalay in lagu dhameeyo wakhti ka yar 6 bilood, iyadoo oo uu dhismahani fulinayo  wakaalada horumarinta iyo guriyaynta DDSI.

Hadaba madaxwayne CMC oo dhagax dhigay dhismaha mashruucan ayaa sheegay in mashruucani uu faaiido wayn uleeyahay guud ahaan bulshada dalka gaar ahaan kuwa  deegaanka islamarkaana uu dhismahani noqonayo mid ganacsi ah oo dhismihiisu taariikhda baal dahab ah ka gali doono isagoo tusaalana u noqon doona wadamada geeska Africa, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in dhismahani uu ku fadhiyo dhul baaxad wayn oo dhan 4400 karaamitir oo ay san ku jiran goobta parking baabuurta loogu talagalay.

Ugu danbayna wuxuu madaxwaynuhu xusay inuu dhismahani kaqayb qaadan doono bilicda magaalada jigjiga islamarkaana uu qayb ka yahay horumarka balaadhan ee guud ahaanba ka hana qaaday deegaanka. Sikastaba ha ahaatee dhismahan Kaali mall ayaa wuxuu yeelan doonaa  169 goobood oo loogu talagalay ganacsiga noocyadiisa kaladuwan iyo waliba  72 tukaan oo ah tukaamada yarayar.

Shir Ay Kasoo Qaybgalayaan 2kun Oo Qof Oo Degmada Gunagado Kadhacaya

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 26ka November 2016. Shir balaadhan oo kadhacaya degmada gunagada 2da todobaad ee fooda inagu soo haysa gudahood ayaa waxaa kasoo qaybgalaya 2kun oo qof oo isugu jira mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI, Odayaasha Deegaanka, Qurbajoogta Gobolka Jarareed, Waxgaradka,  aqoonyahanka, culimo-awdiinka, haweenka iyo dhalinyarada islamarkaana kakalasocda degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka jarar.

Hadaba, ujeedooyinka shirkan ayaa waxaa kamid ah sidii xadhiga looga jari lahaa mashruuca biyo galinta dheer ee Birqod-Gunagada ilaa Danood-Gaashaamo iyadoo mashruucan oo isugu jira sadex waji oo waawayn uu 100% dhamaaday wajigiisii koobaad. Kaasoo ah birqod ilaa gunagado islamarkaana ahaa wajigii ugu muhiimsanaa ee mashruucan kanadhigan in hadii lagu guulaystay hirgalinta wajigan koobaad ay aad udhib yartahay hirgalinta wajiga 2aad, 3aad ilaa wajiga 4aad maadaama oo marka ay biyuhu gaadhaan gunagado ay ilaa iyo danood qulqulka biyuhu kusoconayaan kalasaraynta dhulka, iyadoo dhamaystirka wajigan 1,aad ee birqod ilaa iyo gunagado ay mashruucan baaxadiisu dhan tahay 40km oo waraabinaya tuulooyinka udhexeeya 2da degmo, meesha 5tii KM ee kasta loo sameeyay goob-biyood ay dadka iyo xooluhuba kacabi karaan.

Sidoo kale, waxaa xadhiga lagajari doonaa mashruuca kale ee laga hirgaliyay degmada gunagada kaasoo lagu macaaneeyay ceelkii dhanaha noqday ee gunagado laga qoday. Taasoo ah taariikhda abid markii ugu horaysay ee mashruuc noocan ah laga hirgaliyo guud ahaanba dalkeena itoobiya. Waxaa intaa dheer mashruuca dhismaha guryaynta(qodobaha) oo iyana ladhagax dhigi doono.

Ujeedada 2,aad ee kulan-waynahan ayaa noqonaysa in lagu soo bandhigo shirka waxyeeladii ay UBBO ugaysatay shacabka reer jarareed  iyadoo labooqan doono xabaalo-wadareedka ay ku-aasan yihiin 120 qof oo reer jarareed ah oo ay hal maalin ah gudihii UBBO kuxasuuqday Degmadaasi, iyadoo ay goobtaas kahadli doonaan odayaasha, culimo-awdiinka, aqoonyahanka, eheladii iyo qaraabadii ay dishay gacanta kaxaq daran ee UBBO.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo bandhigi doonaa dadkii reer jarareed ee ay laxaadkooda UBBO kanaafaysay, agoontii reer jarareed ee waalidkood UBBO laysay, gabdhihii ay kufsadeen iyo dhamaan waxyeeladii ay UBBO ugaysatay shacabka reer jarareed oo dhan sida xasuuqii cobale iwm. Waxaana kahadli doona qaar kamid ah xubnihii UBBO ee xasuuqa gaystay islamarkaana udhashay gobolka jarar.

Waxaan iyana meesha kamadhnayn in la isbarbardhigi doono waxqabadka iyo horumarka kajira guud ahaan gobolka iyo gaar ahaan degmada gunagado oo kamid ah meelaha ay xasuuqa ba’an kagaysatay UBBO.

Dhanka kale waxaa lasoo bandhigi doonaa waxyeeladii iyo kufsigii ay itixaadku ugaysteen shacabka reer jarareed.

Iskusoo wadaduuboo, xadhig-kajarka mashruucan biyo-galinta ayaa kusoo hagaagay xili uu roobkii dayrtu daahay oo ay roob yaraani kajirto deegaanka islamarkaana bulshada deegaanku ay kujiraan roob-doon iyo alla bari isagoo lafilayo inuu wax badan katari doono xaalada isbadalka cimilada Elino ee roob yaraanta keenta.

MW CMW Oo U Amba Baxay Magaalada Dire Dawa

$
0
0

Diredawa(Cakaaranews) Axad 27ka November 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafti balaadhan oo heer deegaan ah ayaa dhinaca xarunta deegaanka ooga amba baxay dhanka magaalada dire dawa halkaas oo uu kaga qayb gali doono shir ku saabsan sii dardar galinta qorshayaasha horumarineed ee dalka iyo sii xoojinta arimaha nabadgalayada iyo xuduudaha.

Wixii faahfaahin danbe kalasoco warkaanaga www.cakaaranews.com

Munaasabad Lagula Kala Wareegayay Agab Caafimaad Oo Ka Dhacday jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) Axad, 27da November, 2016. Marwo Maariya Cumar Cali oo ah muwaadinad u dhalatay DDSI  kana mid ah qurba joogta DDSI ee ku   dhaqan wadanka Sweden ayaa deegaanka soo gaadhsiiyay agab kala duwan oo ay ugu talagashay  adeegyada caafimaadka DDSI waxayna munaasabad lagula kala wareegayay agabka caafimaad ka  dhacday magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee huteelka city Crown.

Waxaana ka soo qaygalay munaasabadii lagula kala wareegayay agabkan caafimaad masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, maareeyaha wakaalada xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI mudane Badri Yuusuf, maareeye ku xigeenka Ururka horumarinta soomalida itoobiya mudane Cabdilaahi maxamed cabdi (dhagalaab)  iyo masuuliyiin kale oo iskugu jirta qurba joog iyo qaran joogba.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadan wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo  uga mahad caliyay marwo maariya cumar dareenka wadaninimo ee ay muujisay kuna keentay  agabkan caafimaadka ee ay ka soo iibisay wadanka dibadiisa waxaa kale oo uu wasiirku u mahad celiyay ururka horumarinta soomalida itoobiya oo hirgalisay soo qaaditaanka agabkan caafimaad  oo  soo mariyay masaafo aad u dheer maadaama oo laga keenay wadanka dibadiisa, wasiirka ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay agabkan caafimaad. Isaga oo tilmaamay in uu qayb-wayn ka qaadanayo dadaalada ay xukuumada DDSI  kor ugu  qaadayso tayada iyo fidinta  adeega caafimaadka DDSI.

Dhankeeda marwo Maariya Cumar Cali oo ah qurba joogta ka soo jeeda DDSI ee ku nool wadanka Sweden oo ka hadashay munaasabadaasi ayaa ugu horayntii u mahad celisay masuuliyiinta xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay sheegtay in ay tahay xukuumadii hirgalisay is fahanka, wada shaqaynta iyo xidhiidhka ka dhexeeya qurba joogta iyo deegaanka. Waxaa kale oo ay u mahad celiyay marwo maariya masuuliyiinta ururka horumarinta somalida itoobiya oo suurta galiyay ayay tidhi soo qaaditaankii agabkan. Iyada oo sheegtay in agabkan caafimaad ee ay ku deeqtay deegaanka gaar ahaan xafiiska caafimaadka DDSI uu yahay agab ka  qayb-qaadanaya dadaalada lagu fidinayo adeegyada caafimaadka DDSI.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxay marwo  maariy ku wareejisay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI furayaal iyo  liis ay ku qoran yihiin noocyada kala duwan ee agabka caafimaadka ee ay ku  deeqtay xafiiska caafimaadka DDSI. dhankooda ururka horumarinta soomalida itoobiya iyo xafiiska caafimaadka DDSI ayaa iyaguna shahaado sharafyo  gudoonsiiyay marwo maariya cumar, iyada oo  dhinaca kale xafiiska caafimaadka DDSI uu hadhimo sharafeed u sameeyay marwo maariya cumar cali iyo xubno kale oo qurba joog ah.

MW CMC Oo Kusoo Laabbtay Xarunta Deegaanka...

$
0
0

jigjiga(Cakaaranews) Axad 27ka November 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa kusoo laabtay xarunta deegaanka kadib markuu galinkii danbee maanta usoo dhamaaday shirkii ka qabsoomay magaalada dire dawa ee lagusii dardargalinayay qorshayaasha horumarineed iyo sii xoojinta nabadgalyada dhanka xuduudaha. Iyagoo wakhti xaadirkan soo gaadhay xarunta deegaankeena. Waxayna Madaxwaynaha iyo waftigiisa wakhti xaadirkan kusuganyihiin xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Tababar Loo Qabtay Qaar Kamid Ah Macalimiinta

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 28ka November 2016.Tababar ay fulintiisa iska kaashadeen Geedi-socodka Horumarinta macalimiinta iyo Hogaaminta waxbarashada ee xafiiska waxbarashada DDSI iyo Hay'ada Unicef islamarkaana ujeedadiisu tahay qiimaynta joogtada ah iyo maaraynta fasalka  si kor loogu qaado tayada waxbarashada ayaa si habsami leh loogu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarshada DDSI.

Hadaba, tababarkan oo ay kasooqaybgaleen qaarkamid ah macalimiinta degmooyinka kale ah Baabili, Afdam, Hadhagaala, Tuli iyo Ma’ayso islamarkaana tiradoodu dhantahay 110 Bare ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay Gadhwadeenka G/S Horumarinta Macalimiinta iyo Hogaaminta Waxbarashada mudane Farxaan Cabdi Makhtal oo shegay in tababarkani socday mudo sadex maalmood ah islamarkaana macalimiinta lagu barayay casharo laxidhiidha qiimaynta Joogtada ah iyo maaraynta fasalka.

Wuxuuna agaasinku intaa kudaray in tababarkan fulintiisa ay xafiiska iska kaashadeen hay'ada UNICEF, isagoo tilmaamay in tababarkani ahaa mid kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee macalimiinta islamarkaana macalimiintii kasoo qaybgashay faaiido badan u leh loona baahanyahay in ay kadhaqan galiyaan una sii gudbiyaan dugsiyadii iyo goobihii ay kakala yimaadeen.

Ugudanbayna macalimiintii tababarka qaadatay oo kawrbixiyay dareenkooda ayaa sheegay in sadexdii cisho ee tababarku socday ay barteen casharo muhiim ah oo faaiido badan u leh. Waxayna balan qaadeen inay gaadhsiinayaan dugsiyadii ay macalimiinta ka ahaayeen.


Wasiirka Horumarinta Xoolaha Iyo Reerguuraaga DDSI Oo Ka Warbixisay Diyaar Garowga Xuska Maalinta Xoolo Dhaqatada.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 29ka November, 2016. Dawlada deegaanka soomalida itoobiya ayaa sanadkan martigalinaysa munaasabada 16aad ee xuska maalinta xoolo dhaqatada dalkeena itoobiya taasi oo ka dhicidoonta caasimada DDSI ee jigjiga 17ka bisha Dir, 2009TI.

Haddaba, wasiirka horumarinta xoolaha iyo Reer-guuraaga DDSI marwo Faadumo Cabdilaahi Takhal oo xafiiskeeda ugu waramasay warbaahinta DDSI  ayaa ka warbixisay diyaar garowga loogu jiro marti galinta xuska maalinta xoolo dhaqatada dalkeena itoobiya. Wasiirka ayaa sheegtay in la dhisay   gudiyo kala duwan oo  heer deegaan ah iyo gudiyo isku dhafka oo ah heer deegaan iyo heer fadaraal ah  kuwaasi oo ku hawlan hirgalinta qorshe hawleedkii loogu diyaar  garoobayo  marti galinta  munaasabada  16aad ee  xuska maalinta xoolo dhaqatada dalka itoobiya.

Mar ay ka waramasay  wasiirku ahmiyada ay leedahay munaasabada xuska maalinta xoolo  dhaqatada ayaa waxay sheegtay in munaasabadan oo  2dii sano halmar lagu xuso mid ka mid ah deegaanada xoolo dhaqatada ah ee ay ka mid ka yihiin deegaanka somalida itoobiya, Canfarta, Oromada iyo deegaanka shucuubta koonfurta itoobuta ay tahay mid kaalin wayn ka qaadata horumarinta xoolo dhaqatada taasi oo xubnaha horumuudka ah ee xoolo dhaqadada lagu siiyo  abaalmarino kala duwan oo dhiiragalin ah islamarkaana ay xoola dhaqatada deegaanada dalkeena itoobiya  isku waydaarsadaan aqoon korodhsi iyo khibrad wadaag.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa sheegtay in si meeqaam sare ay xukuumada DDSI iyo xafiiska horumarinta Reer guuraaga DDSI  ugu diyaar garoobeen martigalinta xuska 16aad ee maalinta xoolo dhaqatad dalkeena itoobiya. 

Tartanka baaskiilka ee Ture Meles Oo Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews) Talaado 29ka November 2016. Waxaa xurunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka qabsoomay tartankii baaskiilka oo ay ku tartamayeen labada magaalo ee kala ah Addisababa iyo maqale. Kuwaas oo saaka kasoo kicitamay magaalada diredawa iyagoo duhurnimadkii soo gaadhay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada DDSI mudane Maxamed Bile Xasan oo kawaramay tartankan ayaa sheegay inuu tartankan yahay mid lagusoo dhawaynayo xuska 11 ee 29 hidhaar kaasoo ka dhici doona deegaanka hararida, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in tartankan loogu magic daray ture meles islamarkaana uu yahay markii 3aad ee deegaanka lagu qabto tartanka baaskiilada ee ture meles.

Ugu danbayna wuxuu wasiirku sheegay inay tartamayaashu ay 2 cisho kadib tartan 80 km ah kusamayn doonaan magaalada jigjiga, Kasoo loogu talagalay iska dhexgalka bulshada islamarkaana uu aad usoo dhawaynayo tartankan loogu talagalay is dhexgalka bulshada.

Mashruuca PCDP Oo Gawaadhi Ku Wareejiyay 15 Degmo.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), talaado, 29ka November, 2016. Mashruuca horumarinta bulshada Reer guuraaga DDSI ee loo soo gaabiyo PCDP ayaa  15 gaadhi gudoonsiiyay 15 degmo oo ka mid ah 54 degmo ee mashruucani ka hawlgalo, waxayna ka mid yihiin 47 gaadhi oo uu mashruucani  u soo iibiyay degmooyinka uu  ka hawlgalo waxayna ahayd dhawaan markii 32 gawaadhi  uu mashruucani ku wareejiyay   32  degmooyinka oo ka mid ah degmooyinka uu ka hawlgalo mashruucani

Maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada reer guuraaga DDSI  mudane Cabdifataax  Axmed Ismaaciil  ayaa ku wareejiyay furayaasha gawaadhitan masuuliyiinka socotay degmooyinka lagu wareejinayay gawaadhidan isaga  oo sheegay inay  15 gaadhi oo ah qaybtii 3aad  kana mid ah 47 gaadhi ee uu soo iibiyay si loogu xoojiyo hirgalinta mashaariicaha   kala duwan ee uu mashuucu ka wado degmooyinka uu ka hawlgalo gaar ahaan dhinacyada adeegyada  biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, jidadka  iyo adeegyada kale ee bulshada aasaasiga u ah ah  wuxuuna maareeyuhu ku booriyay masuuliyiinta lagu wareejiyay gawaadhidan in ay ilaaliyaan daryeelka gawaadhidan.

Dhankooda qaarka mid ah masuuliyiinta lagu wareejiyay gawaadhidan oo la hadlay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in ay sidii loogu talagalay oo kaliya ugaga  faa’iidanayaan gawaadhidan, kuna fulinayaan  adeegyadii  loogu talagalay.

 

.

Dugsiga Sare Ee Tuulada Laylakaal Oo Xadhiga Laga Jaray.

$
0
0

Laylakaal(cakaaranews), talaado, 29ka November, 2016. Masuuliyiin uu hogaaminaya gudoomiyaha degmada harawo  ayna ku wehelinayaan shaalaqaha ciidanka booliska gaarka ah qaybta ka hawlgasha  degmada harawo  ayaa xadhiga ka jaray dugsiga sare oo laga hirgaliyay  tuulada laylakaal oo ka tirsan degmada  Harawo ee Gobolka Faafan.

Waxaana ka hadlay munaasabadii xadhig ka jarka dugsigan sare gudoomiyaha degmada harawo mudane Cabdikariin Ciise oo ugu horayntii u mahad celiyay bulshada ku dhaqan tuulada laylakaal sida fir fircoon ee ay uga qayb-qaateen dhismaha dugsigan sare ee tuulada laylakaal. Isaga oo ka warbixiyay ahmiyada uu u leeyahay bulshada ku dhaqan laylakaal iyo nawaaxigeeda kana qayb qaatan doona dadaalada kor loogu qaadaya tayada waxbarashada deegaanka gaar ahaan bulshada ku dhaqan degmada hawaro.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan tuulada layla-kaal ayaa soo dhaweeyay xadhig ka jarka dugsigan sare waxayna ka warbixiyeen baahida waxbarasho ee loo qabay  furitaanka dugsigan sare iyaga oo  intaasi ku dareen in ay ilaalinayaan daryeelka dugsigan sare kagana maarmayaan waxbarashadii dugsiyada sare ee meelaha ka fog tuuladan laylakaal loo doonan jiray.

 

 

Koox kawaday Daraasaad Kusaabsan Cudurada Iyo Cayayaanka Waxyeeleeya Dalaga Gobolada Shabeele iyo Qoraxey

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews)Arbaco, 30ka November 2016. Koox uu Xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI u diray gobolka shabaale iyo qoraxey islamarkaana kawaday daraasaad ku saabsan cudurada waxyeelada dalaga iyo cayayaanka oo sheegay n ay si habsami leh u soo gabagabeeyeen daraasaadkii.

Hadaba, madaxa kooxda daraasaadka kawada gobolada shabeele iyo qoraxeey ahna Madax- Kooxeedka Waxsoosaarka Dalaga iyo Kahortaga Cudurada kudhaca dalaga ee Xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Cabdifataax Makhtal oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in shaqooyinkii daraasaadka ee ay kawadeen 2 da gobo lee shabeele iyo qoraxeey ay soo gabgabeeyeen kadib markii ay mareen tuulooyinkii u qorshaysnaa degmooyinka  2da gobol.isagoo carabka ku dhuftay in sidookale daraasaad noocan ah uu kascodo gobolka afdheer iyo liibaan.

Wuxuuna intaa kudaray in si wanaagsan ay daraasaadkii uga sameeyeen qaarkamid ah degmooyinka hoosyimaada gobolka shabeele iyagoo maray dhamaan tuulooyinka dib-udajinta laga sameeyay sidookale waxuu tilmaamay in kooxdu martay degmooyinka hoosyimaada gobolka qoraxey islamarkaana ay rajaynayaan in natiijada shaqadoodu noqon doonto mid wax ku ool ah, faa’iido balaadhana u leh bulshada xoolodhaqato-beeralayda ah ee ku dhaqan gobolada Shabeele iyo Qoraxey. wuxuuna carabka kudhuftay in xafiiska ay qorshaha ugu jirto in dhamaan Gobolada laga sameeyn doono daraasaadka noocan ah.

Ugudanbayna qaarkamid ah kooxda daraasaadka wada ayaa xusay in shaqadani ay tahay shaqo muhiim ah oo ay u baahanyihiin bulshada xooladhaqato-beeralayda ah ee kunool gobolka shabeele.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>