Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Kulan Ay Qabteen Gudiga Qaban Qaabada bilicda iyo Nadaafada Xuska Maalinta Xoolo Dhaqatada Dalka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 26ka December 2016. Waxaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada tababarka macalimiinta ee cabdulmajiid kulan balaadhan oo lagaga wada hadlayay u diyaargarawga xuska maalinta xoola dhaqatada dalka oo lagu qabandoono deegaanka sanadkan.

Waxaana kulankaasi soo diyaariyay maamulka magaalada jigjiga iyo gudida bilicda iyo nadaafada xuska maalinta xoolo dhaqatada dalka oo ah masuuliyiin heer deegaan Iyadoo kulankan loo qaybtay qaybaha kala duwan ee bulsahda ku dhaqan magaalada jigjiga waxaana lagaga hadlayay sidii loogu diyaar garoobilahaa xuska iyo sidii ay qaybaha kala duwan ee bulshadu uga qayb-qaadan lahaayeen diyaargarawga xuska.

Hadaba masuuliyiintan heer deegaan iyo heer maamul magaalo isugu jira ayaa kasoo qaybgalayaasha kulanka usheegay sidii ay ugu diyaar garoobi lahayeen soo dhawaynta maalinta xoolo dhaqatada dalka ee lagu qabanayo deegaanka islamarkaana loo bahan yahay inaan si fiican uga shaqayno nadaafada iyo bilicda magaalada,


War Degdeg Ah Isku-badal Iyo Magacaabis Cusub

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Talaado 27ka December 2016. Hogaaminta sare ee xukuumada DDSI ayaa kulan ay saaka yeesheen ku ansixiyay iskubadal iyo magacaabis cusub iyagoo udhigay sidan:

1.       Mudane Xasan Ismaaciil Ibraahim oo ahaa Hogaanka xafiiska nabadgalyada, maamulka iyo cadaalada ee DDSI ayaa waxaa loo badalay komishineerka komishinka Asluubta DDSI

2.       Taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah General Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale waa ahna kusimaha  xafiiska nabadgalyada, maamulka iyo cadaalda DDSI

3.  Mudane Anwar Cali waxaa loo magacaabay lataliyaha madaxwaynaha dhinaca biniaadanimada iyo xidhiidhka hay’adaha 

4.    Waxaa mayorka maamulka magaalada jigjiga loo magacaabay mudane Siciid Saleebaan Axmed oo horay u ahaa kuxigeenka komishinka cabashooyinka

5       Mudane Guuleed Aw-Cali Kaahin waxaa loo magacaabay maareeyaha cilmi baadhista DDSI

6.       Mudane Maxamuud Heeryo waxaa loo badalay kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI

7.       Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi waxaa loo magacaabay Maareeyaha wakaalada dabagalka dawooyinka iyo cuntooyinka DDSI

8.       Mudane Kifaax Cabdulaahi Macalin oo ahaa gudoomiyaha degmada jarati waxaa loo magacaabay maareeyaha kuliyada tababarka macalimiinta ee Dr. cabdimajiid

9.       Mudane Cabdinuur Colow oo ahaa kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI waxaa loo badalay kuxigeenka xafiiska arimaha bulshada DDSI

10.       Gudoomiyaha gobolka faafan waxaa loo magacaabay mudane Cabdi Xuseen Cali (cabdimadoobe)

11.   Sidoo kale komishinkii hore ee asluubta mudane Shalaqe Nuur Cabdi Muxumed waxaa loo magacaabay komishineerka komishinka booliska gobolka Nogob

12.   Mudne Shugri Badal Miyir waxaa loo magacaabay komishineerka komishinka booliska gobolka Dhawa.

 

Kulan Lagu Qiimaynayay Bah-wadaagta Mashruuca RIF.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),talaado, 27da, December, 2016. Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa kulan qiimayn ah u qabtay hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee bah-wadaagta la ah mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee afka qalaad marka la soo gaabiyo loo yaqaano RIF.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska caafimaadka DDSI  ayaa waxaa hogaaminayya ku simaha  xafiiska Caafimaadka DDSI  ahna gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida caafimaadka, ka hortaga cudurada iyo fidinta caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed, ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta mashruuca RIF iyo  dhamaan bah-wadaagta mashruuca RIF ee qaybtiisii 1aad iyo qaybtiisii 2aad.

Kulankan ayaa lagu qiimaynayay waxqabadkii mashruuca, halkaas  oo ay  hay’ad waliba wixii u qorshaysnaa iyo wixii u qabsoomay ku soo bandhigtay si qota dheerna looga dooday la islana meel dhigay dhankii adkaa iyo dhankii jilicda sanaa ee waxqabadka mashruuca RIF.

Gaba-gabadii kulankan ayaa waxaa   la isla qaatay sidii looga  midha dhalinlahaa  qorshayaasha u yaala mashruuca si gaar ahaaneed iyo qorsha yaasha xafiiska caafimaadka DDSI ee ku salaysan adeega caafimaadka ee dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka,

 

 

Kulan wacyigalin Iyo Tababar Isugu Jira Oo Ka Qabsoomay Tuliguuleed

$
0
0

Tuliguuleed(Cakaaranews) Talaado 27ka December 2016. Koox kasocotay wakaalada dakhliga DDSI iyo wakaalada dakhliga degmada tuliguuleed ayaa ganacsatada degmada tuli guuleed si wada jir ah ugu qabtay kulan wacyigalin iyo tababar isugu jira oo ku saabsan xoojinta nidaamka dakhliga.

Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gadhwadeenka geedisocodka wacyigalinta iyo daraasadka wakaalada dakhliga DDSI mudane mustafe Xasan Yuusuf oo sheegay inuu kulankani yahay mid isugu jira tababar iyo wacyigalin islamarkaana loo baanahyahay inaad fahan buuxa ka qaadataan xoojinta dakhliga maadaama dakhligu yahay midka kali ah ee lagu horumarin karo magaaladan aad ku sugan tihiin islamarkaana loo baahan yahay inaad ka qaybqaadataan bixinta dakhliga.

Dhanka kale waxaa dhankiisa ka hadlay maareeyaha wakaalada dakhliga degmada tuliguuleed mudane Badal Keenadiid Maxamed oo sheegay in ganacsatada magaalada looga baahan yahay inay dhaliga ku bixiyaan xiligiisa islamarkaana ay ku buraarugaan inuu dakhligu yahay ilaha koobaad ee laga sameeyo horumarka, sida biyaha, Jidadka, beeraha, iyo adeegyo kale.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah ganacsatada degmada tuliguuleed oo sheegay inay diyaar uyihiin inay bixiyaan dakhliga islamarkaana ay fahansanyihiin in dakhligu yahay mid horumar loogu qabanayo degmada.

MW CMC Oo Qabtay Kulan Lagaga Hadlayay Gudashada Xilka Iyo Waajibaadka Inaga Saaran Bulshada

$
0
0

 Jigjiga (Cakaaranews) Talaado 27ka December 2016. Kulan balaadhan oo ay hogaaminayeen masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka golaha xildhibaanda ahna gudoomiyah XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, Qaarkamid ah kabaneega deegaanka, Gudoomiyasha Gobolada, Gudoomiyasha degmooyinka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee Kaali.

Hadaba Kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay inuu kulankan yahay sidii aan wax oogu qaban lahayn bulshada ay samaasay abaarta ay keentay roob yaraantu islamarkaana inagoo kaa shanayna dowlada dhexe aynu si wada jir uga wada shaqayn lahayn, gudashada iyo waajibaadka xilka inaga saran  bulshada ay saamaysay abaarta ay keentay roobyaraantu, Sidoo kalana wuxuu madaxwaynuhu  xusay in loo baahanyahay inaan badbaadino dadka iyo xoolahaba islamarkaana aan si deg deg ah uga jawaabno baahida bulshada, Sidoo kalana madaamo dadkeenu yahay 80% xoolo dhaqoto inaan u casriyayno xoolo dhaqatonimadkooda.

Ugu danbayna wuxuu madaxwaynuhu xusay in lasameynayo koox wareegta islamarkaana daawaysa xoolaha, Isagoo intaa ku daray in dadka baraagaha iyo booyadaha leh ay caqabad ku yihiin samaynta ceelasha biyaha iyo biyogalinta ka socda deegaanka.

 

 

Shirwaynihii 3aad Ee Golaha Federationka Haweenka DDSI Oo Bilowday

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Arbaco 28ka December 2016. Shirwaynihii 3aad ee Golaha Federationka haweenka DDSI oo ay kasooqaybgaleen Wasiirka xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta, masuuliyiinta xafiisyada bahwadaagta la ah xafiiska iyo ururada fadertionka haweenka islamarkaana lagudooranayay xubno golo dhaxe ah iyo gudifulin ayaa si habsami leh uga furmay hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

Hadaba, shirwaynahan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiirka xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo ugu horayn u mahadcelisay dhamaan kasooqaybgalayaasha shirwaynahan iyadoo sheegtay in shirkani yahay shirkii caadiga ahaa ee golaha fedrationka haweenka deegaanka islamarkaana laqabanjiray sadexdii sanoba hal mar.

Wasiirada oo hadalkeeda siiwadata ayaa tilmaantay in xukuumadu u dajisay haweenka qorshayaal horumarineed oo ay kaga qaybqaadanayaan horumarka iyagoo adeegsanaya tubta iyo xeeladaha kala duwan ee ay u leeyihiin iyadoo sidookalana haweenku ay kaqaateen doorkoodii kaga aadana horumarka deegaanka iyo nabadgalyada.

Isku soo wada duuboo, shirwaynahan golaha ferationka haweenka deegaanka ayaa jawi wanaagsan kusoo dhamaaday.

UHSI Oo Kooxaha Deegaanka Gudoonsiiyay Dharka Sportiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 29ka December 2016. Ururka horumarinta somaalida itoobiya DDSI oo dadaal dheer oogu jira siduu uga qayb qaadanlahaa horumarka ka hanaqaaday deegaanka, Ayaa maanta gudoonsiiyay dharka sportiga oo dhamaystiran labada kooxeed ee heer qaran uga tartama deegaanka ee kala ah kooxda kubada cagta ee Liyuu  booliska iyo kooxda Kaali.

Hadaba munaasabadan dharka lagu gudoonsiinayay kooxha ciyaartoyda ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga marwo Sucaad Axmed Faarax, Wasiirka dhalinyarta iyo ciyaaraha  DDSI mudane Maxamed Bile Xasan, Maareeye kuxigeenka ururka horumarinta somaalida itoobiya, mudane Cabdulaahi Maxamed Cabdi,Waxaana ugu horayn  gudoonsiiyay dharka sportiga madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga marwo Sucaad Axmed Faarax islamarkaana ah gudoomiyaha boordhiga UHSI, oo ugu horayn umahcelisay UHRSI oo sameeyay isxilqaam wanaagsan oo ku daysho mudan ,Iyadoo madaxwayne kuxigeenku ku baraarujisay kooxaha inay sii xoojiyaan dadaalkooda ciyaareed islamarkaana loo baahanyahay in guulo wax ka ool ah ka keenaan tartamada naadiyaasha heer qaran.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay Wasiirka dhalinyarta iyo ciyaaraha  DDSI mudane Maxamed Bile Xasan oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin gudoonsiinta dharka uu UHSI uu gudoonsiiyay kooxahan heer qaran inooga tartama oo runtii ah kooxa aan ku faano. Ugu danbayna waxaa dhakiisa ka hadlay maareeye kuxigeenka UHSI mudane Cabdulaahi Maxamed Xasan oo sheegay in ururku marwalba diyaar uyahay inuu garabtaagnaado kooxahan iyo dhamaan dhaliyarta deegaanka islamarkaana aan marwalba ka caawin doona adeegayada sportiga.

Kulan Ay Yeesheen Hogaaminta Xukuumada DDSI Oo Nidaamka Bakhtiyaa Nasiibka Ah Lagu Qaybiyay Guryaha Real-state.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),khamiis, 29ka, December, 2016. Kulan ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka, dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar  oo ay ka soo qayb-galeen hogaaminta sare ee xukuumada DDSI ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee kaali2 ee xarunta madaxtooyada DDSI.

Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii loo qaybin-lahaa guryo wadareedkii (Real state ) ee ay xukuumada DDSI dhistay taasi oo nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah loogu qaybiyay wasiirada xukuumada DDSI, wasiiro ku xigeenada, maareeyayaasha, maareeyayaal ku xigeenada DDSI, masuuliyiintii hore ee xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin madaxwayneyaashii hore ee xukuumada DDSI iyo xubna ka mid ah kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyada  oo masuulkasta ku qaatay gacantiisa warqada bakhtiyaa nasiibka ah ee ay ku qorantahay lambarka  guriga uu galidoono.

 

Guryahan oo ay wakaalada horumarinta guriyaynta DDSI ka hirgalisay xaafada dul-qabow ee maamulka magaalada jigjiga oo ay tiradoodu dhan tahay 78 gibi ayaa waxay qayb-ka yihiin dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto  sidii loo yarayn lahaa baahida dhinaca guryaha waana  Guryo  darajooyin kala leh oo  hordhac u ah   mashaariico dhismayaasha guryo ay  xukuumada DDSI hirgalinayso.

 

 


Xuska Sanadguurada 7aad ee hoyiga Agoonta Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 30ka December 2016. Xuska sanadguuradii 7aad ee hoyiga agoonta jigjiga oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin heer deegaan ah oo ugu horeeyo Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Mahad, Mareeyaha Hoyiga agoonta jigjiga, mudane Maxamuud Cumar Nuur,maareeyah kiraynta guryaha, macalimiinta hoyiga agoonta, Shaqaalaha hoyiga, kooxaha fanka iyo marti sharaf kale ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee  kuliyada maareenta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba munaasabadan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Mahad oo sheegay inay maanta tahay maalin qaali ah oo xusid mudan islamarkaana ubaahan marwalba miskaxda lagu hayo, Maadaama maanta ay tahay maalintay xukuumadu usamaysay daryeel iyo meel lagu xanaaneeyo caruurta ay waalidiintood Ubbo laysay, Wuxuuna wasiirku kula dardaarmay ardayda inay fursada qaaliga ah ee ay xukuumadu siisay ka faaiidaystaan islamarkaana aad si fiican wax ubarataan.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay mareeyahay hoyiga agoonta jigjiga mudane Maxamuud Cumar Nuur oo sheegay in ay arda dhigata hoyiga agoonta jigjiga ay ay dhan yihiin 583 oo ay 470 wiilal yihiin iyo 113 gabadhaha ah islamrakaana helaan dhamaan adeegyada waxbarasho iyo mida nolaleedba islamarkaana uu hoyigu mar walba diyaar uyahay siduu wax ubarilahaa ulana tacaali lahaa ardayda dhigata hoyiga agoonta ee waalidiintood Ubbo layasay, Wuxuuna maareeyuhu intaa ku daray inay maanata tahay maalin qaali ah oo mudan in la xuso lana xasuusto,

Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Kulan La Yeeshay Hay’adaha ay Bah-wadaagta Yihiin.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews)jumce, 30ka, December, 2016. xafiiska caafimaadka DDSI ayaa kulan la yeeshay hay’adaha ay bah-wadaagta yihiin  xafiiska caafimaadka DDSI, kulankaasi oo ka  qabsoomay hoolka shirararka xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxay  ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ugu horeeyo wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI iyo masuuliyiinta ugu saraysa hay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI.

kulankaasi ayaa waxay    u jeedadiisu ahayd  sidii kor loogu sii qaadi lahaa wada shaqaynta iyo iskaashiga u dhaxeeya xafiiska caafimaadka DDSI iyo hay'adaha bahwadaagta la ah si midaysanna looga jawaabo xaaladaha deg dega ah ee adeega caafimaadka dadka sida; cudur dilaaca (disease outbreak) iyo  nafaqo darada.

Waxaana, ugu horayntii ka hadlay kulankaasi  wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil. Isaga oo uga mahad celiyay masuuliyiinta hay’adaha ka soo qaybgalay  kulankan muhiim ka ah gaar ahaan kuwa meelaha fog fog ka yimid. Wasiirka ayaa intaasi ku daray  inay lagama maarmaan tahay  adkaynta  xidhiidhka  wadashaqayneed ee ka dhexeeya xafiiska iyo hay’adaha taas oo suurta galinaysa   sidii bulshada loogaga faa'iidayn lahaa Miisaaniyadaha kala duwan ee  ay hay'aduhu màamulaan iyo tan dawladaba.

Gaba-gabadii kulankan ayaa ku dhamaaday isfahan wanaagsan iyo go'aan midaysan oo lagu gaadhay in si wadajir ah loo sii dar-dar galiyo ka midha dhalinta qorshayaasha u yaala xafiiska caafimaadka DDSI iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee hay’adaha.

Qurbajoogta Waqooyiga America Oo Agab Deeq Ah Gaadhsiiyay Hoyiga Agoonta ee Fiiq

$
0
0

Fiiq(Cakaaranews) Jumce 30ka December 2016. Qurbo joog u dhalatay DDSI  ee ku nool waqooyiga ameerika ayaa deeq isugu jirta qalabka waxbarashada iyo qalabka ciyaaraha gaadhsiiyay dugsiga Hoyga agoonta ee Magaalada fiiq.

Hadaba deeqdan ayaa ah mid hiil iyo garabba u ah maatidii iyo ubadkii ay waalidkooda UBO waxyeelaysay. Iyada oo ay xukumadu taageero iyo dadaalba la garab taagantahay sidii heer loo gaadhsiin lahaa ubadka ay waxyeeladu kasoo gaadhay nabad diidkii UBO. Ayaa Waxaana, si wada jir ah u gaadhay dugsiga hooyga agoonta xubno ka socda qurba joogta DDSI ee waqooyiga ameerika oo uu ugu horeeyo Guddoomiye Ku Xigeenka Ururka Hormarinta Soomaalida Itoobiya Ahna Xubbin ah Guddiga Fullinta X.D.SH.S.I Ee Waqooyiga Ameerika Mudane Faarax Xusseen Furre, Iyo Mudane Khadar Maxamed Colaad oo ah Xubbin Guddiga Fullinta X.D.SH.S.I ee Waqooyiga Ameerika, isla markaana ay weheliyaan Gadhwadeenka Geedi-Socodka Hormarinta Barayaasha Iyo Hogaaminta Waxbarashada Ee Xafiiska Waxbarashada Heer Deegaan Mudane Farxaan Cabdi Makhtal iyo Gadhwadeenka Geedi-socodka Xidhiidhka Jaaliyada Mudane Maxamed Cali Jaamac oo ka socday Wakaalada Xidhiidhka Arrimaha Qurbo Joota DDSI ayaa deeqda qalabka waxbarashada iyo qalabka ciyaaraha guddoonsiiyay Dugsiga Hoyga agoonta ee Magaalada fiiq.

Waxaana deeqda ka guddoomay Kusii Simaha Gudoomiyaha Gobolka Ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Erer Mudane Dayib Axmed Nuur Iyo Maareeyaha Dugsiga Hoyga Agoonta Ee Fiiq Marwo Ubax Mursal Axmed. Hadaba, dadaalada qurbo joogta u dhalatay deegaanka ay wado ayaa ah mid marwalba isa soo taraysa oo muujinaysa wadanimada iyo u garabtaagnida bulshadooda. Iyada oo ay deeqdani tusaale cad u tahay oo deegaanka  ayaan kasoo jeedaa, noqonaysana mid wax laga barto oo taabanay guud ahaanba deegaanka. Gabagabadii ayaa si wada jir ah ay waftigu kusoo kormeereen xaalada baris barasho ee dugsiga hoyga agoonta, isla markaana ku dhiiri galiyeen ardayda iyo barayaashaba si ay u laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan kor u qaaddida tayada waxbarashada iyo ka midho dhalinta natiijada

 

UHSI Oo Kulan U Qabtay Ardayda Waxka Barata Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDSI.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),sabti,31ka, December, 2016. Waxaa ka dhacay madasha shirarka ee  kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI kulan balaadhan oo loo qaybtay ardayda waxka barata kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Kulankaasi oo uu soo diyaariyay Ururka Horumarinta Soomalida Itoobiya (UHSI) ayaa waxaa ka soo qaybgalay maareeye ku xigeenka UHSI mudane Cabdilaahi Maxamed, qaarka mid ah masuuliyiinta kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI oo uu ka mid yahay  maareeye ku xigeenka kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI mudane Ismaaciil Maxamed Xuseen iyo dhamaan ardayda waxka barata kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Waxayna, kulankaasi ujeedadiisu ahayd sidii ardayda fahan buuxa looga siin lahaa ujeedooyinka loo aas aasay  iyo waxqabadka ururka horumarinta soomalida itoobiya iyo sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen islamarkaana xubin uga noqon lahaayeen UHSI.

Maareeye ku xigeenka ururuka horumarinta soomalida itoobiya mudane Cabdilaahi Maxamed oo ka hadlay kulankaasi ayaa sharax dheerka bixiyay ujeedooyinkii ay xukuumada DDSI u aas aastay ururka horumarinta soomalida itoobiya. wuxuuna sheegay maareeye ku xigeenku in uu UHSI  yahay urur ay  leeyihiin shacabka  deegaanka loona baahan yahay in ay ka qayb-qaadaan ardaydu waxqabadka  gaar ahaan dhinaca wacyigalinta iyo xubin nimada UHSI.

Gabagabadii waxaa kulankaasi lagu dhisay gudiga ururka horumarinta soomaalida itoobiya ee ardayda waxka barata kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI oo ka kooban 13 xubnood oo ka shaqayndoona waxqabadka horumarka horumarinta soomalida itoobiya. 

Mas’uuliyiinta MMJ Oo Kulan Layeeshay Shaqaalaha MMJ

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 1da January 2017. Kulan balaadhan oo uu soo agaasimay MMJ islamarkaana looqabtay shaqaalaha kaladuwan ee kahawlgala xafiisyada MMJ gaar ahaan xafiiska waxbarashada MMJ iyo Xafiiska Caafimaadka MMJ ayaa si habsamileh uga qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba, Kulankan balaadhan Oo Uu Shir Gudoominayay Maayorka Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Siciid Suleymaan Axmed ayaa sheegay in shirkan u jeedadiisu tahay Dardar Galinta Shaqada iyo sidii loo sii adkaynlahaa adeega bulshada lasiinayo islamarkaana uu adeegu u noqon lahaa mid bulshadu ku qanacsantahay. Wuxuuna maayorku intaa kudaray in shaqaalaha MMJ koox koox iyo xafiis xafiis ay ula yeelanayaan shirar kaladuwan kanina uu yahay mid ku qotoma sii xoojinta shaqooyinka MMJ gaar ahaan tayaynta waxbarashada iyo caafimaadka. Wuxuuna u soo jeediyay shaqaalaha in qofkasta shaqooyinka uu hayo lagula xisaabtami doono.

Dhinaca kale, waxaa isna shirkan ka hadlay Madaxa Arrimaha Xisbiga MMJ mudane Cabdulaahi Muxumed Faarax oo xusay in shirkan  diirada lagu saarayo tayaynta adeegyada waxbarashada si magaalada jigjiga ay uga soo baxaan  ardey waxbaratay oo tayo leh. Iyo waliba tayaynta adeega caafimaadka si loo helo bulsho caafimaad qabta oo ku dhiirata tagista xarumaha caafimaadka.

Ugudanbayna shirka ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan oo lagu kalaqaatay dadaal iyo kamidho dhalinta qorshayaasha u yaala MMJ.

Tababar uu Soo Agaasimay Xafiiska Waxbarashada DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 1da January 2017. Tababar uu si heer sare ah usoo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI oo ay kasoo qaybgaleen maamulayaasha schoolada gobolada Faafan, Jarar, Siti, Erer iyo Dolo islamarkaana ay ujeedadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga qaadan lahaa quutinta schoolada (School Feeding) ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn furay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Mahad oo sheegay inuu tababarkan yahay mid loogu talagalay inaad ka faaiidaan sidii aad fahan buuxa ooga qaadan lahaydeen quudinta schoolda (school feeding) oo ah runtii mid muhiim ah islamarkaana kor uqaadayada tayada waxbarashada ardayda, sidoo kalana wuxuu muhiim uyahay aradayda danyarta ah oo iyana ka hela fursad ay wax ku bartaan, Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in tababarka marka aad qaadataan aad ubadashaan ficil islamarkaana aad ka dhaqan galisaan schoolada aad maamulayaasha ka tihiin. Sidoo kalana wuxuu wasiirku xusay inay quudintu tahay mid yaraynaysa loox tuurka ardayda.

Dhanka kale waxaa isna dhankiisa ka hadlay Gadhwadeenka Geedisocodka qorshaynta miisaaniyada  dabagalka qiimaynta iyo khayraadka ha’adaha xafiiska waxbarashada DDSI mudane Faysal Cabdi Nuur oo tababar qaata yaasha kula dardaarmay inay tababarka mudada uu socda ilaaliyaan saacad cashirka islamarkaana ka faaidaysataan tababarka maadaama uu muhiim idiin yahay, Wuxuuna agaasinku intaa kudaray in tababarka yahay mid kor uqaadaya tayada waxbarashada ee ardayda.

Kulan Talabixin Ah Oo Ku Saabsan Habraaca Lagu Maamulilahaa Hagaha Abuurka Xulka Ah

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 2da Junaury 2017. Kulan ay si wada jir ah usoo agaasimeen wasaarada beeraha iyo khayraadka dabiiciga JDFI iyo xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI oo ay kasoo qaybgaleen xafiisyada bahwadaagata ah sida xafiiska xoolaha iyo horumarinta heer miyiga, wakaalada abuurka, xafiiska maaliyada, wakaalada micro finance DDSI, Islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii loo isticmaalilahaa abuurka xulka ah ee beeraha si wax soo saarka beeraha loo kordhiyo ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba kulankan ayaa waxaa ka hadlay agaasinka fidinta beeraha ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI mudane Axmednuur Mahad Cali oo sheegay inuu ujeedada kulankan yahay ka talabixinta habraaca hagaha lagu maamuli lahaa abuurka xulka ah ee beeraha si kor loogu qaado waxsoo saarka beeraha ee deegaanka, Wuxuuna agaasinku intaa kudaray in hada kadib abuurka lagu bixin doono dayn islamarkaana ay si tartiib tartiib ah isaga bixin doonaan bulshadu, Isagoo agaasinku xusay inay taasi tahay mid muhiim ah islamarkaana ay shacabku kafaaiidayaan abuur tayo leh iyo waliba sidii loo isticmaali lahaa, Ugu danbayna wuxuu agaasinku sheegay inay kasoo qaygalayaashu ka dhiibanayaan fikirkooda ku aadan kulanka.


Kulan Lagaga Hadlayay Nidaamka Cusub Ee Qaaciidada Miisaaniyada JDFI Oo Ka Dhacay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), Isniin, 2da January , 2017. Waxaa saaka ka dhacay Madasha shirarka Qaryaan Dhoodaan ee caasimada DDSI ee Jigjiga kulan lagaga wada hadlayay nidaamka cusub ee qaaciidada qaybinta miisaaniyada ay fadaraalku ugu qaybiyaan deegaanada dalka iyo 2da maamul magaalo ee dalka.( Federal Block grant formula to regions).

Waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo ay ka mid tahay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, dhamaan golaha wasiirada DDSI, wasiiro ku xigeenada DDSI maareeyayaasha wakaaladaha DDSI ku xigeenada wakaaladaha iyo masuuliyiinta heer faderaal ah oo uu hogaaminayya Xoghayaha gudiga joogtada ah ee Golaha Fadereeshinka Itoobiya u qaabilsan arimaha Miisaaniyad qaybinta iyo Dakhli wadaaga Mudane Hailu Ife.

Waxaana furitaankii kulankan ka hadashay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah  ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ka warbixisay ahmiyada uu kulankani leeyahay. Madaxwayne ku xigeenka ayaa sharax dheer ka bixisay faa’iidooyinka ay leedahay nidaamka cusub ee qaaciidada qaybinta miisaaniyada. Iyada oo ku boorisay masuuliyiinta heerarkooda kala duwan in ay fahan buuxa ka qaadaan nidaamka cusub ee qaybinta miisaaniyadaha dalka.  

Xoghayaha gudiga joogtada ah ee Golaha Fadereeshinka Itoobiya u qaabilsan arimaha Miisaaniyad qaybinta iyo Dakhli wadaaga Mudane Hailu Ife  ayaa  soo jeediyay geedi socodkii ay soo martay daraasaadka Qaciidada cusub ee qaaciidada qaybinta miisaaniyada dalku isaga  oo soo bandhigay waxyaabaha ay kaga duwan tahay qaaciidadii hore ee lagu qaybin jiray miisaaniyada dalka iyo faa;iidooyinka ya leedahay nidaamka cusub ee qaaciidada qaybinta miisaaniyada dalku.

Intaasi ka dib ayaa waxaa la guda galay  dood-wadaag uu hogaaminayay Wasiirka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha ee DDSI Mudane Axmed Cabdi, halkaas oo ay ka qaybgalayaasha kulanku ay si qoto dheer uga doodeen isla mar ahaantaana ay soo jeediyeen fikiro iyo gashiyo waxtar u leh habsami u shaqaynta Qaaciidada cusub oo ay aad u bogaadiyeen uguna  riyaaqeen Kooxdii kasocotay Golaha fadareeshinka dalkeena Itoobiya, iyaga oo qiray  ka go’naanshaha hogaaminta DDSI ee dhinacyada horumarka, nabadgelyada iyo Maamulka suuban.

Xuska Maalinta Adeega Faraxalka Iyo Musqulaha Aduunka Oo Jigjiga Laga Xusay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 22ka, November, 2016. Waxaa magaalada jigjiga si balaadhan looga xusay munaasabada xuska maalinta adeega  faradhaqashada iyo musqulaha  aduunka oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo kaashanaya xafiska waxbarashada DDSI iyo haay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI

Munaasabadan oo ka dhacday madasha shirarka ee xafiiska arimaha haweenka DDSI ayaa waxa  ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha  xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ugu horeeyo  wasiirka xafiiska caafimaadka  DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad,  masuuliyiin ka socday hay’ada UNICEF iyo arday laga soo kala xulay dugsiyada waxbarashada maamulka magaalada jigjiga.

Waxaana ugu horayntii furitaankii munaasabada xuska  ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil cali  oo sharax dheer ka bixiyay ahmiyada ay leedahay adeegsiga faradhaqashada  iyo musqulaha. Isaga oo sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI xooga saaray kor u qaadida adeega caafimaadka  iyada oo ahmiyada la saaray kor u qaadida dhinaca nadaafada, iyo sidii looga hortagi lahaa cudurada loona xakamayn lahaa. Wasiirka ayaa tilmaamay in  iyada oo laga duulayo taam yeelida adeegyada caafimaada in la hirgalinayo sidii ay  dhamaan bulshada deegaanka qoys waliba u helo musqul/suuli  u gaar ah.

 

Dhankiisa waxaa munaasabadan ka hadlay wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad (sacab)  oo  tilmaamay ahmiyada ay leedahay xuska maalinta faraxalka aduunka oo caalamka, dalka iyo deegaankaba si meeqaam sare ah looga xusayo maanta. Wuxuuna sheegay ahmiyada ay leedahay nadaafadu, isaga oo tilmaamay in marka la hello bulsho caafimaad qabta la heli karo bulsho waxbarata, bulsho wax soo saarleh sidaasi darteedna uu caafimaadka lafdhabar u yahay bulsho kasta

Gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida, ka hortaga cudurada iyo fayo dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed oo  warbaahinta deegaanka  la hadlayay ayaa ka si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay fayo dhawrka caafimaadka  iyo maalinta adeega  faraxalka  iyo musqulaha aduunka . wuxuna sheegay masuulku in ujeedada  laga leeyahay xuska maalintani tahay sidii kor loogu qaadilahaa fahanka bulshada ee ku salaysan ahmiyada ay leedahay adeegsiga faradhaqashada  iyo musqulaha   kuna booriyay bulshada deegaanka in ay siwayn ugu baraarugsanaadaan ahmiyada ay leedahay istimaalka faradhaqashada  iyo isticmaalka musqusha si looga hortaga cudurada ka dhalan kara fayo dhawr la’aanta.

Munaasabadan xuska maalinta adeega faradhaqashada iyo muqulaha   aduunka ayaa intii ay socoday waxaa lagu soo bandhigay tartan  u dhexeeyay ardayda ka socotay isguulada maamulka magaalada jigjiga, kaasi  oo ay ku  soo bandhigayay ciyaaro dhaqameedka, riwaayada, iyo gabayo   ka turjimayay  ahmiyada ay leedahay maalinta faraxalka aduunku.

 

Gabagabadii munaasabadaasi ayaa waxaa masuuliyiintii ka soo qaybgashay xuska  oo ay ugu horeeyaan wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI iyo wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI   ay  si wada jir ugu faraxasheen goob loo diyaaray in lagu muujiyo maalinta adeega faradhaqashada iyo musqulaha  aduunka.

Ololaha Talaalka Xoolaha Oo Ka Socda Degmada Birqod

$
0
0

Birqod(cakaaranews)Talaado 22ka, November 2016. Xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha iyo qaar kamid ah maamulka degmada birqod oo uu horkacayo Gudoomiyaha Degmada Birqod  mudane Fu’aad Yuusuf Maxamed ayaa si rasmi ah u bilaabay Ololoha talaalka xoolaha ku dhaqan degmada Birqod iyo nawaaxigeeda.

Hadaba, Gudoomiyaha Degmada Birqod Ee Gobolka Jarar mudane fu’aad yuusuf oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in iyagoo iskaashanaya xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha iyo maamulka degmadu ay si heer sare ah uga wadaan ol-olihii talaalka xoolaha. Wuxuuna intaa kudaray in  wakhti xaadirkan ay talaalka kawadaan senterka Garigo’an iyagoo soodhameeyay talaalkii centerka Ceelxeer. Gudoomiyaha oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in ol-olhani uu socon doono mudo 7 maalmood ah islamarkaana talaalka laga samayn doono dhamaan tuulooyinka hoosyimaada degmada Birqod.

Ugudanbayna gudoomiyaha ayaa sheegay in sidookale dawooyinka xoolaha ee muhiimka ah loo qaybiyay xoolo-dhaqatada ku nool degmada birqod islamarkaana aad ugu riyaaqeen iyagoo sheegay in dawooyinka lasiiyay ay aad ug baahnaayeen.

MW CMC Oo U Amba Baxay Magaalada Dire Dawa

$
0
0

Diredawa(Cakaaranews) Talaado 22ka November 2016. Wafti uu hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ku wehelinayaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid Isaaq, madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka howlaha guud horumarinta magaalooyinka,dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal iyo masuuliyiin kale ayaa xarunta deegaanka uga amba baxay dhanka ismaamulka magaalada diredawa. Halkaas oo ay madaxwaynaha iyo waftigiisu caawa u hoydeen.

Wixii faahfaahin Ah kalasoco wararkaanaga danbe ee www.cakaaranews.com

Shirwaynihii 9aad Ee Hay'adaha Lacagaha yaryar Ee Dalka Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 23ka November 2016. Kulanwaynihii 9aad ee haaydaha lacagaha yaryar (micro finance) dalkeena itoobiya ayaa maanta si rasmia ah ugu bilowday hoolaka shirarka ee qaryaan dhoodaan, Waxaana kulankan kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa deegaanka oo ay ugu horayso madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga marwo Sucaad Axmed Faarax, Qaarkamid ah kabaneega deegaanka, Masuuliyiinta microfinance yada dalka iyo masuliiyiin kale.

Hadaba kulankan 9aad ee microfinance yada dalka ayaa waxaa ugu horayn furay madaxwayne ku xigeenka ahna Wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ha marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayn soo dhawaysay dhamaan masuuliyiinta kasoo qayb galay shirwaynaha 9aad ee haaydaha lacaga yaryar ee dalka, Waxayna madaxwayne ku xigeenku intaa ku dartay inuu kulankan yahay mid lagusoo bandhigayo waxqabadka haaydaha lacagaha yaryar ee dalka islamarkaana mudo 3 cisho ah sii socon doono.

Sidoo kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay maareeyaha wakaalada haayadaha lacagaha yaryar DDSI mudane Maxamed Cabdiraxman Macalin oo si qota dheer ooga warbixyay waxqabadka guud ee haaydaha lacagaha yaryar ee DDSI islamarkaana sheegay in micro finance DDSI uu sidii loobaahnaa ooga hirgalay dhamaan goobaha uu ka howlgalo.

Sikastaba ha ahaatee shirwaynaha 9aad ee haaydaha lacagaha yaryar ee dalka ayaa ah markii 1aad ee deegaankeena lagu qabto. Wixii faahfaahin ah kalasoco warar kaanaga danbe ee www.cakaaranews.com

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>